Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isal wasaaraha ahna sii hayaha Wasaarada caafimaadka oo sheegay in ay dib u furi doonaan isbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho.
Muqdisho, (TFG): Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isal wasaaraha ahna sii hayaha Wasaarada caafimaad ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Khaalid Cumar Cali, ayaa sheegay in ay dib u howl gelin doonaan isbitaalka Martini, si uu u daboolo baahida caafimaad ee qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir.
Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isal wasaaraha ahna sii hayaha Wasaarada caafimaadka Dr. Khaalid Cumar cali, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal dib loogu furayo isbitaalkii hore ee Martini ee magaalada Muqdisho, si uu u daboolo baahida caafimaad ee degmooyinka qaarkood.
Wasiiru dowlaha, ayaa intaa ku darey in ay hayaan dawadii lagu furi lahaa isbitaalkaas, markii ay soo dhamaato dayactirka lagu wado, wuxuuna sheegay in dhawaan uu bilaabi doono howlihii uu u qaban jiray dadka, isagoo sheegay in ay ku han-weyn yihiin in uu daboolo baahida degmooyinka Xamarweyne, Boondheer, Xamarjajab, Shnagaani iyo kuwa kale.
Mudane Dr. Khaalid Cumar Cali, ayaa dhanka kale sheegay in ay wadaan dadaalo ay xarun caafimaad uga furayaan Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, si wax looga qabto caafimaadka Maxaabiista ku xiran Xabsiga, wuxuuna sheegay in marka hore ay diyaarinayaan meel ku haboon in dawo lagu xanaaneeyo, maadaama dawadu aysan la mid aheyn waxyaabaha kale, oo ay u baahan tahay in ay hesho qawi qaboow si aysan u halaabin.
Wasiiru dowlaha, mar uu ka hadlaayay qaabka ay ula shaqeeyaan Isbitaalada ku yaala gobalada dalka, oo aysan dowladdu gacanta ku hayn, ayuu sheegay in ay hadaba diyaarinayaan in ay dawo u diraan Isbitaalka magaalada Baydhabo oo ay ka jirto dawo la’aan, taasina ay muujinayso sida dowladdu uga go’an tahay in ay wax u qabato shacabkeeda.