Xubno ka tirsan Shaqaalaha Baarlamaanka oo ka dhoofay dalka si ay uga qeybgalaan Siminaar lagu qabanayo dalka DJabuuti.
Muqdisho, (TFG): Shaqaalaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Jabuuti, halkaas oo ay uga qeybgeli doonaan Simaar.
Shaqaalahan, oo tiradoodu gaareyso ilaa 30 xubnood, ayaa waxay isugu jiraan Shaqaalihii hore ee Golaha Baarlamaanka iyo kuwo cusub oo dhawaan loo qaatey in ay ka mid noqdaan Shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Agaasimaha Waaxda warfaafinta Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, Bashiir Jaamac Samatar, oo horkacayay xubnahaas, ayaa warbaahinta dowladda la hadlay intii aysan ka dhoofin garoonka, wuxuuna sheegay in safarkoodu ku wajahan yahay dalka DJabuuti, oo ay uga qeybgeli doonaan Siminaar socon doona mudo 6 maalmood ah, oo ay soo qaban qabaabisay Hay’adda Haweeba, taasoo Baarlamaanada Afrika ka gacan siisa dhanka tababarada.
Mid ka mid ah Shaqaalaha, oo warbaahinta dowladda la hadashay intii aysan garoonka ka dhoofin, ayaa sheegtay in ay rajeynayso in Siminaarkaas ay ka soo faa’idi doonto wax badan, iyadoo sheegtay in Siminaarkani uu yahay kii ugu horeeyay ee ay u aado dalka dibadiisa, iyadoo magac dowladdeed ku socota.