Dowladda Iiraan oo dadaal ugu jirta sidii ay u taageeri laheyd Soomaaliya.
Kambala, (TFG): Dowladda Iiraan, ayaa dadaal dheeraad ah ugu jirta sidii ay taageero ugu fidin laheyd dowladda Soomaaliya, si ay cagaheeda isugu taagto.
Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Iiraan, Monachar Mutaki, oo booqasho gaaban ku tagey dalka Uganda, si uu ula kulmo Masuuliyiinta dalkaasi, si ay uga wada hadlaan sida ugu haboon ee wax looga qaban karo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen labada dal.
Wasiirka, ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda ugu sareysa dalka Uganda, oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalkaasi Yuweeri Muzavini, oo ay ciidamo nabad ilaalineed ka joogaan dalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibada dalka Iiraan, Munachar Mutaki, ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya Wasaarada difaaca iyo Saraakiisha ciidamada dalkaasi, waxayna isku dhaafsan doonaan talooyin iyo fikrado ku aadan qaabka ugu haboon ee dowladda Soomaaliya, looga taageeri karo dhinaca amniga.