Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah oo sheegay in Wasiirada Jaamacada Carabtu is ku raaceen in Soomaaliya la taageero.
Qaahira, (TFG): Golaha Wasiirada Jaamacada Carabta, ayaa isku raacay in la dabagalo qaraarkii Jaamacada Carabtu, ay ku gaartey magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar, kaasoo ahaa in la taageero dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, mudane C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in kulankii ay shalay Golaha Wasiirada Jaamacada Carabtu, yeesheen looga hadlay Ajandayaal ay ka mid yihiin in la daba galo qaraarkii Jaamacada Carabta ee ahaa in la taageero dowladda Soomaaliya iyo halka uu ku danbeeyay iyo wixii ka qabsoomay.
Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in Golaha Wasiiradu isla gartey in si guud looga soo horjeesto kooxaha dowaldda ka soo horjeeda ee aan doonayn in dowladdi ka dhalato dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in mowqifka Jaamacada Carabtu yahay in la garab istaago dowladda Soomaaliya si ay u hanato amaanka dalka.
Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, mudane C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa ugu danbeyn sheegay in arrintani tahay guul u soo hoyatay guud ahaan umada Soomaaliyeed, la wareegida ay Soomaaliya la wareegtay hogaanka Jaamacada Carabta, wuxuuna sheegay in hadafka dowladdu yahay badbaadinta shacabka iyo soo celinta amniga.
Arrintani ayaa dowladda Soomaaliya u horseedi doonto in ay guul ka gaarto dhamaan dhinacyada siyaasada iyo in dabagal lagu sameeyo deeqihii dowladda Carabtu ay Soomaaliya u balan qaadeen.