Muqdisho, (TFG): Ra’isal wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminaayo, ayaa shalay gelinkii danbe ka soo dagey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Ra’isal wasaaraha iyo wafdigiisa, waxaan gegida diyaaradaha ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan labada Gole, Masuuyiinta maamulka gobalka Banaadir, Saraakiil ka tirsan ciidanka iyo Xubno kale, waxaana xubnihii uu Ra’isal wasaaruhu hogaaminaayay ka mid ahaa Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cali Maxamed Xasan Looyaan (Cali madoobe) iyo Xubno kale.
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdigiisa, ayaa ugu horeyn safarkooda ku bilaabay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxayna halkaasi kula kulmeen Masuuliyiinta beesha Caalamka iyo kuwa Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, wuxuuna halkaasi uga sii kicitimay dalka Liibiya oo uu uga qeybgaley Munaasabad lagu weyneynaayay dhalashada Nabi Maxamed (N.N.K.H), isagoo Madaxweynaha dalka Liibiya u gudbiyay warqad uu uga waday Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa dalkaasi sida Madaxweynaha, Ra’isal wasaaraha iyo Wasiiro.
Wasaarada Warfaafinta, Muqdisho