Prof. Ibbi iyo Xubno uu horkacayo oo booqasho ku tagey isbitaalka Martiini.
Muqdisho, (TFG): Masuuliyiin dowladda ka tirsan oo uu horkacaayo Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda, Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi), ayaa booqasho ku tagey isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.
Masuuliyiintan oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo uu horkacaayay Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi), ayaa kormeer ku sameeyay dhamaan qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka, iyagoo sidoo kale amaan u jeediyay ciidamadii hore ee naafada xooga dalka oo ay sheegeen in la’aantood aysan badbaadi laheyn xaruntan.
Ra’isal wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan, oo kormeerka kadib, shir-jaraa’id ku qabtay gudaha Isbitaalka, ayaa sheegay in howsha dayactirku mareyso heer gabagabo ah, gaar ahaan qeybta Haweenka oo qaadi karta ilaa 160 sariirood, wuxuuna sheegay in lagu dhisay lacag ay dowladdu u qoondeysay, taasoo gaareysa 40,000 oo dollarka Mareykanka, oo 19,000 oo ka mid ah lagu bilaabay howsha.
Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda, Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan iyo Masuuliyiinta uu horkaacayay, ayaa sidoo kale waxay kormeer ku soo sameeyeen Taladii hore ee Dhagaxtuur, wuxuuna sheegay in la dayactiri doono, balse aan loo sameyn doonin muuqaalkii Bini’aadamka ee Taalada lagu yaqaanay, maadaama aan qaadanay shareecada Islaamka oo aysan suurta gal inoo aheyn inaan sameyno, wuxuuna sheegay in arrintani qeyb ka qaadan doonto bilicda caasimada.
Masuuliyiintan, ayaa sidoo kale kormeerkooda ku soo marey xaruntii hore ee Golaha shacabka oo ay ka socotay dayactir lagu sameynayo xaruntaas, iyagoo sheegay in booshadoodu ay ku aadanayd u kuurgelida sida ay u socdaan howlaha dayactirka dhismooyinka dowladdu ku shaqeyn jirtay.