Wasiirka warfaafinta Soomaaliya iyo wafdigiisa oo ka qeybgaley Munaasabad jaaliyada Soomaaliyeed ay ugu qabatay Jaamacada Miniapolis ee dalka Mareykanka.
Miniapolis, (TFG): Wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya Dr. Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ka qeybgaley munaasabad balaaran oo ka dhacday Jaamacada Miniapolis ee magaalada Miniapolis ee xarunta gobalka Minasota.
Munaasabadaas oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas iyo ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacada Miniapolis, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka oo uu ka mid ahaa ku Xigeenka Xoghaya arrimaha dibada u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo Afrikaba, Mr. Danial Yamamota iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalka Minasota.
Wasiirka warfaafinta Dr. Daahir Maxamuud Geelle, oo munaasabadaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa sheegay in hadafka dowladdu yahay badbaadinta shacabka iyo samata bixintiisa, balse ay jiraan kooxo aan intaas doonayn oo qas iyo fowdo had iyo jeer la daba taagan umada.
Wasiirka, ayaa khudbada kadib, waxay xubnihii Jaaliyada ee munaasabadaas ka soo qeybgaley weydiiyeen su’aalo fara badan oo ku aadan halka ay mareyso xaaladda Soomaaliya iyo sida dowladdu wax uga qaban karto, wuxuuna Wasiirka ka qanciyay dhamaan su’aalihii ay weydiiyeen, isagoo sheegay in loo baahan yahay in nabada iyo horumarka laga wada shaqeeyo.
Denial Yamamota, oo ka mid ah Masuuliyiintii dowladda Mareykanka ee munaasabadaas ka qeybgashay, ayaa sheegay in dowladda Mareykanku garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu daneynayo in uu dhageysto Jaaliyada Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan si uu uga helo talooyin ku saabsan qaabka wax looga qaban karo xaaladda Soomaaliya, wuxuuna ku booriyay Jaaliyada in ay ka qaataan kaalinta kaga aadan arrimahaas.
Qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyada, ayaa shirar gooni ah kula qaatey Danial Yamamota iyo Wasiirka, si loo dhameeyo dhibaatooyinka ka jira dhanka Xawaaladdaha ay Soomaalidu isticmaasho, waxaana uu sheegay Danial Yamamota in uu kala hadli doono dowladda si loo dhameeyo waxyaabaha hortaagan arrimahaas.
Wasiirka iyo Wafdigiisa, oo maalmihii ugu danbeeyay booqasho shaqo ku joogay magaalada Miniapolis ee gobalka Minasota, ayaa la filayaa in ay uga sii gudbaan Gobolka Ohao, si uu ula kulmo Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan gobolkaasi, wuxuuna markii uu dhameysto booqashadiisa dib ugu soo laaban doonaa magaalada Washington, isagoo markii uu ku soo laabto magaalada Washington u soo duuli doona Qaarada Afrika.