Hay’adda WFP oo sheegtay in ay bilaabi doonto gargaarkii ay ka fulin jirtay Soomaaliya hadii amnigooda la damaanad qaado.
Muqdisho, (TFG): Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP, ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay sii wado gargaarkii Bini-aadanimo ee ay ka waday koonfurta Soomaaliya.
Sargaal ka tirsan Hay’adda WFP oo lagu magacaabo Peter Smerdon, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in wax badan ay ka qaban doonto Hay’addu xaaladda Bini-aadanimo ee ka jirta koonfurta Soomaaliya, hadii la damaanad qaado amaanka shaqaalaheeda iyo qalabkeeda.
Sargaalka, ayaa intaa ku darey in kooxaha dowladda ka soo horjeeda ay dhibaatooyin u geysteen Hay’adda, iyagoo ku amray in ay bixiso lacago baad ah, wuxuuna sheegay in hadafka Hay’addu yahay in aysan wax lacag ah siinin koox meel iska qabsatay, lagana yaabo lacagtaas in lagu waxyeeleeyo dad shacab ah halka Hay’addu shaqadeedu tahay samata bixinta dadka dhibaateysan, ayna ka soo horjeedo hadafka Hay’adda hadii lacag laga qaaday dad rayid ah lagu waxyeeleeyo.
Mr. Peter Smerdon, ayaa sidoo kale sheegay in Maleeshiyaadka kooxahaasi bilaabeen markii Hay’addu ka jawaabi weysay dalabkoodii, in ay bililiqaystaan, wuxuuna sheegay in taasi ay tahay mida Hay’adda ku qasabtay in ay shaqaalaheeda kala baxdo, islamarkaana joojiso gargaarkii ay ka fulin jirtay deegaanada ay haystaan kooxahaasi.