Xildhibaan Yuusuf Cali Ceynte oo la wareegida ay Soomaaliya la wareegtay hogaanka Ururka Jaamacada Carabta ku tilmaamay mid guul u ah Soomaaliya.
Qaahira, (TFG): Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay fursad u tahay qabashada hogaanka Ururka Jaamacada Carabta.
Xildhibaan Yuusuf Cali Ceynte, oo ah Guddoomiyaha Gudiga arrimaha diinta iyo awqaafta ee Golaha Baarlamaanka, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in Soomaaliya ay fursad wanaagsan u tahay in ay la wareegto shir-guddoonka Ururka Jaamacada Carabta, kaasoo faa’iidooyin badan iyo sumcadba u keeni kara dowladda iyo shacabkeeda.
Guddoomiyaha Gudiga arrimaha diinta iyo awqaafta, ayaa sidoo kale sheegay in la wareegida xilkan ay wax badan ka badali karto xaaladda murugsan ee uu dalku ku jiro, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay fursadan rajeynayso in ay u qabsoomaan waxyaabo badan si loo xaliyo dhibaatooyinka ka jira dalka.
Mudane Yuusuf Cali Ceynte, ayaa intaa ku darey in Soomaaliya loo doortay shir-guddoonka 5-ta Gudi oo uu ka kooban yahay Ururka Jaamacada Carabta, wuxuuna sheegay in Wasiirada arrimaha dibada dalalka ku jira Ururka Jaamacada Carabta ay kulankooda ugu horeeya yeelan doonaan maalinta Arbacada soo socota.