Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo ka warbixiyay safarada uu ku maraayo qaar ka mid gobalada dalka Mareykanka iyo kuwo uu ku soo marey dalka Ingiriiska.
Miniapolis, (TFG): Wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya Dr. Daahir Maxamuud Geelle, oo booqasho shaqo ku ku jooga dalka Mareykanka, ayaa ka warbixiyay kulanadii uu la yeeshay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalkaasi.
Wasiirka oo u waramaayay warbaahinta dowladda isagoo ku sugan dalka Mareykanka, ayaa sheegay in ujeedada safarka wafdiga uu hogaaminaayo uu ahaa balamo iyo marti qaadyo ay la lahaayeen Masuuliyiinta dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee wadamadaas degan.
Wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Daahir Maxamuud Geelle, oo ku bilaabay warbixintiisa safarkii uu ku tagey dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in markii ay gaareen dalkaasi ay Masuuliyiinta dowladda Ingiriiska iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi u sameeyeen soo dhaweyn aad u qiimo badan, wuxuuna sheegay in ay ugu horeyn kulamo la qaateen Masuuliyiinta dalka Britain, iyagoo warbixin ka siiyay xaaladda siyaasadeed, mida amni iyo tan dhaqaale ee dalka.
Wasiirka, ayaa intaa ku darey in ay Masuuliyiinta dalka Ingiriiska ay ka codsadeen in ay Soomaaliya ka caawiyaan dhinacyada amniga, siyaasada iyo dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale kala hadley dhinaca warbaahinta iyo sidii looga taageeri lahaa, si dalka dib loogu soo celinaayo nabad iyo kala danbeyn, wuxuuna sheegay in dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen la isku afgartey.
Wasiirka warfaafinta Dr. Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sidoo kale sheegay in uu la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska, wuxuuna sheegay in uu warbixin ka siiyay xaaladda dalka iyo sidii ay dib u dhiska dalka gacan uga geysan lahaayeen, ugana shaqeyn lahaayeen sidii nabad dalka loogu soo dabaali lahaa, wuxuuna uga mahadceliyay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, isagoo ku amaanay qaabka ay u nidaamsan yihiin iyo sida ay isugu xiran yihiin intaba.
Wasiirka ayaa ka warbixiyay sidoo kale safarka uu ku marayo gobalada dalka Mareykanka, wuxuuna sheegay in Masuuliyiinta dalka Mareykanka ay si diiran u soo dhaweeyen, isagoo sheegay in ay kulamo la qaateen markii ay gaareen magaalada Washington ee caasimada dalka Mareykanka, ayna kulamo la qaateen Masuuliyiinta Wasaarada arrimaha dibada dalka Mareykanka, uga na warbixiyeen xaaladda dalku marayo, wuxuuna sheegay in ay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Wasiirka ayaa sheegay in jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanku ay si heer sare ah u soo dhaweeyeen, wuxuuna uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, wuxuuna sheegay in ay warbixin ka siiyeen xaaladda guud ee dalka, ayna is dhaafsadeeb fikrado iyo talooyin ku aadan sidii wax looga qaban lahaa arrimaha Soomaaliya iyo sida ay jaaliyadu uga qeybqaadan karto arrimahaas.
Wasiirka ayaa ugu danbeyn, sheegay in uu rajeynaayo in kulamada u harsan ay ku soo dhamaan doonaan guul iyo horumar, isagoo sheegay in ay qaadan doonto Maalmo.