Shir looga hadlaayay sidii loo caawin lahaa Barakacayaasha oo lagu qabtey xarunta maamulka gobalka ee magaalada Muqdisho.
Muqdisho, (TFG): Wasiirada horumarinta reer miyiga dowladda KMG ah ee Soomaaliya, marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa ka qeybgashay shir looga hadlaayay sidii loo caawin lahaa dadka Barakacayaasha ah, kaasoo ka dhacay xarunta gobalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen Masuuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka gobalka Banaadir iyo Xubno haween ah oo ka socday xafiiska Madaxtooyada oo ay hogaaminaysay Agaasimaha xafiiska Madaxtooyada u qaabilsan arrimaha bulshada iyo haweenka marwo Xabiibo Sh. Xuseen Axmed, iyo Dadweyne kale, ayaa ka dhacay xarunta maamulka gobalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Wasiirada horumarinta reer miyiga marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, oo kulankaasi hadal ka jeedisay, ayaa sheegtay in dhibaatada ugu badan ee dalka ka jirta ay haysato dadka Barakacayaasha ah, gaar ahaan Haweenka, Caruurta iyo Dadka da’da ah, waxayna sheegtay in dowladdu ay mudnaanta siinayso wax u qabashada dadkaas.
Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in ay ku tala jiraan sidii loo abuuri lahaa sanduuq dhaqaale loogu arruurinaayo dadkaas, iyadoo sheegtay in ay iyadu ku ridi doonto lacagta ugu horeysa sanduuqaas, waxayna dadkii ka soo qeybgaley kulankaas ku boorisay in ay ku dhiiradaan wax u qabashada dadkooda si loo samata bixiyo shacabka tabaalaysan.
Ugu danbeyntii, Masuuliyiintii shirkaas ka soo qeybgashay, ayaa isku raacey in ay muhiim tahay in la taageero dadkaas, Soomaaliduna isku tashato inta aan la gaarin kaalmada beesha Caalamka.