Wasiirka warfaafinta iyo wafdigiisa oo la kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee gobalka Minasota.
Miniapolis, (TFG): Wasiirka warfaafinta Dr. Daahir Maxamuud Geelle iyo wafdi uu hogaaminaayo oo booqasho shaqo ku joogay dalka Mareykanka, ayaa gaarey magaalada Miniapolis ee xarunta gobalka Minasota.
Wasiirka iyo wafdigiisa, ayaa markii ay ka dageen gegida dayuuradaha magaalada Miniapolis ee xarunta gobalka Minasota, waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gobalkaas, jaaliyada iyo qaar ka mid Madaxda gobalka, waxaana dadkii soo dhaweeyay Wasiirka iyo wafdigiisa wajiyadooda laga dheehanaayay qiiro wadaniyadi ku dheehan tahay iyo dal jaceyl iyo sida ay ugu hamuun qabaan in ay arkaan Masuuliyiin ka socota dalkoodii hooyo.
Xafladdaasi, ayaa waxaa ka soo qeybgaley xubnaha jaaliyada sida Dhaqaatiirta, Culumaa’udiinka, Aqoonyahanada, Saraakiishii hore ee ciidamada, Haweenka, Dhalinyarada iyo Marti sharaf kale oo xafladdaasi lagu casuumay, Wasiirka, ayaa ugu horeyn u mahadceliyay jaaliyada Soomaaliyeed ee Minasota.
Wasiirka iyo wafdigiisa, ayaa soo dhaweynta iyo fantasyaha loo sameeyay kadib, waxay ka qeybgaleen xaflad loogu talagaley in uu kula kulmo jaaliyada Soomaaliyeed iyo Masuuliyiinta jaaliyadaasi, si ay u kala warqaataan, wuxuuna Wasiirku uga warbixiyay jaaliyada Soomaaliyeed xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka iyo sidii ay jaaliyadu gacan uga geysan laheyd dib u soo celisnta nabada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Maalinta talaadada, ayaa la filayaa in Wasiirka iyo wafdigiisu ka qeybgalaan xaflad balaaran oo lagu soo dhaweeynayo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Dr. Daahir Maxamuud Geelle, oo ay ka soo qeybgeli doonaan dhamaan Qeybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi.
Magaalada Miniapolis ee gobalka Minasota, oo ah magaalo ay degan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareeykanka, waxaana lagu wadaa in Wasiirku uu halkaasi joogi doono maalmo kooban, isagoo wadahadalo joogta ah la yeelan doona Qeybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ku nool.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Dr. Daahir Maxamuud Geelle iyo wafdigiisa, ayaa socdaal ku soo marey gobalo ka mid ah dalka Mareeykanka sida: Washington iyo Verginia, wuxuuna kulamo kula yeeshay Saraakiil ka tirsan Wasaarada arrimaha dibada dalka Mareykanka iyo qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobaladaasi.