Agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha oo ka warbixiyay safaro uu ku tagey dalka Talyaaniga.
Muqdisho, (TFG): Waaxda socdaalka iyo jaaliyadaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa ka warbixisay Baasaboorka cusub ee Soomaaliya.
Agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Gen. C/laahi Maxamuud Gaafoow, oo u waramaayay Websiteka TFG, ayaa ka warbixiyay shir uu uga qeyb galey magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, shirkaas oo ay ka soo qeybgaleen dowladdaha haysta E-Passport-ka oo ay dhanka Afrika uga qeybgaleen dalalka Liibiya iyo Nigeria, iyadoo dalkeena Soomaaliya lagu soo daray kadib markii aan sameysanay E-Baasboorka.
Agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha, ayaa intaa ku darey in Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Midowga Yurub, ayna wakiil uga aheyd dowladda Talyaaniga, looga hadlaayay faa’iidada uu leeyahay Baasaboorkan iyo sidii ay dowladdaha Baasaboorkan haysta isaga kaashan lahaayeen ilaalinta laamahooda Socdaalka iyo xaduudaha kala duwan ee ay leeyihiin.
Gen. C/laahi Maxamuud Gaafoow, ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku nasteen Baasaboorka, wuxuuna sheegay in waagii hore ay Baasaboorka isticmaali jireen dad aan Soomaali aheyn halka hada uu sheegay in ay xakameeyeen, maadaama uu maraayo nidaam aad u adag, ayna u baahan tahay in cida qaadanaysa ay cadahay lana og yahay waxa ay tahay islamarkaana markii macluumaadkeeda lasoo dhameystiro la siiyo.
Agaasimaha waaxda socdaalka, ayaa sheegay mar uu ka hadlaayay Gobalada iyo Magaalooyinka ay dadku ka heli karaan Baasaboorka marka ay joogaan gudaha Soomaaliya, hadii aysan ku sugneyn magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay ka fureen xarumo magaalooyinka: Muqdisho, Baydhabo, Gaalkacyo, Garowe, Boosaaso iyo Laascaanood, isagoo sheegay in ay labada magaalo ee Baydhabo iyo Laascaanood si kumeelgaar ah u hakiyeen xafiisyadoodii ay ku lahaayeen, balse dib loo furi doono markii ay soo dhamaadaan arrimihii loo hakiyay.
Gen. C/laahi Maxamuud Gaafoow, ayaa sidoo kale sheegay in ay xarumo ka fureen dalka dibadiisa, waxaana xarumahaasi laga furey magaalooyinka: Nairobi, Addiss-ababa, Jabuuti, Lusaka, Dubai, Abu dabi iyo Jidah, oo ay dadka ku nool wadamadaaasi iyo kuwa u dhow dhow ka qaadan karaan, wuxuuna sheegay in aysan suurta gal aheyn in qof online looga qaaday sawirada lacagtana bixiyay la iska siiyo Baasaboorka, isagoon soo marin taxqiiq oo aan imaan xarumaha, si loo helo cadeymo badan oo ku saabsan in uu yahay qofka Baasaboorka raba iyo in kale.
Agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha, ayaa sheegay in aysan inta badan u ogalaan in ay dadku ku safraan Baasaboorkii hore, isagoo sheegay in aysan Viso uga helayn dalalka Aduunka marka laga reebo dalalka Uganda iiyo Jabuuti oo Soomaalida soo dhaweeya, wuxuuna sheegay in ay ogalaadaan oo kaliya markii uu isticmaalaayo Baasaboorka qof aad u xanuunsan oo aysan macquul aheyn in lala sugo Baasaboorka cusub.
Gen. Gaafoow, ayaa dhanka kale sheegay in Baasaboorkii hore ee Soomaaliga, dhibaatooyinka uu keenay ay ka mid ahaayeen, iyadoo ay isticmaali jireen dad Ajaaniib ah oo qaarkood danbiyo dalalkooda ka soo galey iyo kuwo caan ku ah dhoofinta Daroogada oo ay ka mid qaar u dhasahy dalalka Nigeria iyo Ghana, oo uu sheegay in lagu qabtay garoonada dalal ka mid ah Caalamka sida dalalka Indonesia iyo Maleysiga, oo uu sheegay in dowladdii hore ay la gashay heshiis ku saabsan in Visaha lagu siiyo garoonka Muwaadiniinta labada dal Soomaaliya iyo dalalkaas, taasina ay sababtay in ay ka faa’iideystaan dad aan dalka u dhalan oo ay ka iibsadaan suuqyada dalka.
Agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha, waxaa uu sheegay in Baasaboorka 2 sano ka hor dadku aamin sanaayeen in uusan meel sidaa u fog gaarey, balse hada ay ogaadeen in uu sidaa ka badalan yahay, ayna dadku heli karaan hadii ay soo maraan wado toos ah, ayna raacaan nidaamka Baasaboorka, islamarkaana dulqaad u yeeshaan mudada uu ka maqnaanayo, maadaama aan dalka lagu soo sameyn uuna soo maro nidaamyo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo dadka qaadanayo iyo waxa ay yihiin.
Agaasimuhu, mar uu ka hadlaayay dhanka dhaqaalaha ka soo xarooda Baasaboorka, ayuu sheegay in dhaqaalaha laga bixin karo qasnada marka ay saxiixaan labada masuul ee kala ah Wasiirka maaliyada iyo Agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha, wuxuuna sheegay in caqabado soo wajahay qaabka ay shirkada sameysa Baasaboorka, ay ku heli karto dhaqaalaha uga baxa Baasaboorka, la xaliyay maadaama waagii hore ay dhici jirtay Wasiirka maaliyada ama Agaasimaha waaxda socdaalka, midkood in uu dalka safar uga maqan yahay, ayna adkaato sida shirkadu lacagaheeda ku heli karto, balse hada loo wareejiyay account keeda inta ay ku leedahay sameynta Baasaboorka.
Agaasimaha, ayaa ugu danbey sheegay in Baasaboorka mar dhow laga soo wareejin doono Seerfaradiisa magaalooyinka Nairobi, Sharjah iyo New delhi, wuxuuna sheegay in halkaas loo geeyay sabab amniga dartiis ah lana soo wareeji doono.