Maamulka degmada Wardhiigley oo kulan ka yeeshay amaanka degmadaasi.
Muqdisho, (TFG): Kulan ay isugu yimaadeen maamulka degmada Wardhiigley oo looga hadlaayey amaanka degmadaaasi, ayaa ka dhacay isla degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ay shir-guddoominaysay Guddoomiyaha degmada Wardhiigley marwo Deeqo C/qaadir Axmed, waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiye ku xigeenada maamulka degmada, Guddoomiyayaasha waaxyaha, Ururada Dhalinyarada iyo Haweenka, Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan degmadaasi iyo Saraakiisha ciidanka amniga degmadaasi.
Guddoomiyaha degmada Wadajir, marwo Deeqo C/qaadir Axmed, oo u waramaysay warbaahinta dowladda, ayaa sheegtay in kulanka looga hadlay Adkaynta amniga, Caafimaadka iyo Waxbarashada, waxayna sheegtay in amaanka degmada uu aad u wanaagsan yahay, ayna sii adkeynayaan si ay meesha uga baxdo wax shaki gelin kara amniga.
Marwo Deeqo C/qaadir Axmed, ayaa intaa ku dartey in ay sidoo jiraan Olole nadaafadeed oo ay ka wadaan degmada iyo Qorshooyin kale oo ay ku damacsan yihiin in ay ku furaan Isbitaal lagu daweeyo Haweenka iyo Dhalaanka , si loo daboolo baahida caafimaad ee ay qabaan Haweenka iyo Dhalaanka ku nool degmadaasi.
Guddoomiyaha degmada Wardhiigley marwo Deeqo C/qaadir Axmed, ayaa ugu danbeyn amaan u soo jeedisay ciidamada amaanka degmada, oo ay sheegtay in ay har iyo habeen u soo jeedaan sugida amniga degmada, iyagoo kaashanaaya shacabka ku dhaqan degmada.