Ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay dalka Liibiya.
Muqdisho, (TFG): Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdigii uu hogaaminaayay oo booqasho shaqo ku joogay maalmihii la soo dhaafay magaalada Tripoli ee caasimada dalka Liibiya, ayaa u ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
C/qani Maxamed Waceys, oo ka mid ah masuuliyiinta safaarada Soomaalida ee dalka Liibiya, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa u xaqiijiyay in Ra’isal wasaaraha iyo wafdigiisa ay u ambabaxeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kadib markii ay dhameysteen booqashadooda ay ku joogeen dalka Liibiya.
Ra’isal wasaaraha iyo wafdigiisa, ayaa intii ay joogeen dalka Liibiya, waxay kulamo kala duwan la qaateen Masuuliyiinta dalkaasi oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha dalkaasi Mucamar Al-qadaafi, Ra’isal wasaaraha Dr. Bakhdaadi, Wasiiro iyo Xubno kale oo ka tirsan Masuuliyiinta dalkaasi.
Safarada Ra’isal wasaaraha, ayaa ujeedadoodu tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirada iyo iskaashiga dowladda KMG ah ee Soomaaliya kala dhaxeeya wadamada beesha Caalamka.