Ciidamada amaanka degmada Wadajir oo soo bandhigay kooxo Miino ku duugayay degmadaasi.
Muqdisho, (TFG): Maamulka degmada Wadajir iyo ciidamada amaanka ee degmadaasi, ayaa si wadajir ah u soo bandhigay Miino lagu duugay dhulka iyo kooxihii ku howlanaa oo ay qaarna gacanta ku dhigeen kuwo kalena dileen.
Wariye ka tirsan Website-ka TFG, oo booqday goobtii Miinada lagu soo bandhigay, ayaa sheegay in uu halkaasi ku soo arkay Meydka sedex qof oo ay labo ka mid ah ahaayeen dad rayid ah, kuwaasoo ku geeriyooday is-rasaasayn dhexmartey kooxdii Miinada dhigeysay iyo ciidamada amaanka degmada Wadajir.
Miinadan oo lagu duugay dhabarka danbe ee iskuulka Jabuuti, ee xaafadda Buulo-xuubay ee degmada Wadajir, ayaa waxaa halkaasi lagu arkay Miino ku jirta dhulka hoostiisa, taasoo ku xirneyd Telefoon nooca Soomaalidu u taqaano Qoslaaye, waxaana Telefoonkaasi uu u muuqday mid loogu talagalay in Miinada lagu qarxiyo, kadib markii la soo waco telefoonkaas oo ku xiran nidaamka gariirka ee dhawaqu ka jaran yahay.
Ciidamada Booliska degmada Wadajir, ayaa wariyayaasha u soo bandhigay Qalab ay ka mid ahaayeen Remote Control, Bistolado, Bambo-gacmeedyo iyo Qalab kale, kuwaasoo ay isticmaalayeen kooxdii ku howlaneyd in ay Miinada dhigaan, balse laga fashilayay kadib markii ciidamadu ka war heleen in wadada la gelinayo Miino.
Mid ka mid ah dhalinyaradii lagu qabtay iyagoo falkaas ku guda jira oo lagu magacaabo C/qaadir Xasan Ibraahim, oo 17 sano jir ah oo xiligaa ku xirnaa saldhiga degmada Wadajir, ayaa wariyaheena u sheegay in ninka dhintay uu ahaa ninkii horkacaayay laguna magacaabo Sharmaarke, wuxuuna sheegay in mid ka kale uusan ogeyn halka uu ku danbeeyo, mana aha dhalinyarada kuwo si fiican u yaqaana Miina dhigida.
17-kii Bishan ayaa sidoo kale koox Miino dhigaysay deegaanka Xamar Jajab, waxaa ku qaraxday Miinaddii ay dhigayeen, waxaana loogu tagay halkaasi meydka mid ka mid ah kooxdii Miinadda dhigaysay oo hilbahoodii ay googeen, waxayna arrimahan oo dhan muujinayaan in xilligan la gaaray heer bisayl ah oo ay Shacabku ka gudbeen inay ku dhex gambadaaan Kooxaha Rabshadaha wada.