Dowladda Ireland oo sheegtay in ay u soo diri doonto dalka Uganda tababarayaal tababar siin doona ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Dublin, (TFG): War saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada difaaca dalka Ireland, ayaa lagu sheegay in dalka Ireland uu u diri doono dalka Uganda ciidamo tababara ciidanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya, si ay isaga caabiyaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda ee weerarada ku haya.
War saxafaadeedkan, ayaa Wasaaradu ku sheegtay in ay ka qeybqadanayso barnaamijka Midowga Yurub uu wado ee ciidamada dowladda lagu tababarayo, si dowladda KMG ah ee Soomaaliya looga taageero dhinaca amaanka.
Wargeyska The Sunday times, ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa qoray warka soo baxay Wasaarada difaaca dalka Ireland, kaasoo lagu sheegay in dowladda Ireland ay u direyso dalka Uganda ilaa 5 macalin oo tababar siin doona ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxaana lagu sheegay war-saxaafadeedkaas in macalimiintani ay qeyb ka yihiin ciidamada Midowga Yurub ee tababarka siinaya ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Arrintani ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo Midowga Yurub uu balan qaaday in uu Soomaaliya ciidamo u tababarayo si ay isaga caabiso maleeshiyaadka kooxaha dowladda ka soo horjeeda, ayna u soo ceshato Qaranimadeedii.