Muqdisho, (SONNA): Wasiirka deegaanka iyo ilaalinta bee'ada mudane Burci Maxamed Xamza ayaa ka furey hoolka shirarka Wasaarada warfaafinta aqoon-isweydaarsi socon doona 3 maalmood.
Aqoon-isweyaarsigaan oo ay ka qeybgalayaan 45 xubnood oo ka kala socda Wasaaradaha iyo NGO-yada wadaniga ah, waxaa lagu faaqidayaa qodobo guud oo ku saabsan horumarinta deegaanka iyo ilaalintiisa.
Wasiirka deegaanka iyo ilaalinta bee'ada mudane Burci Maxamed Xamza oo furitaankii aqoon-isweydaarsigaan hadal ka jeediyay ayaa waxaa uu ka waramay muhiimada uu aqoon-isweydaarsiga noocan oo kale ah uu u leeyahay horumarinta deegaanka iyo ilaalintiisa.
Mudane Burci Maxamed Xamza wuxuu ku guubaabiyay ka soo qeybgalayaasha aqoon-isweydaarsiyaas in ay si sareexadleh uga doodaan dhamaan mowduucyada la qorsheeyay in looga dooddo aqoon-isweydaarsigaan, kana soo saaraan talooyin wax ku ool ah sidii loo horumarin lahaa deegaanka iyo ilaalintiisa.
Aqoon-isweydaarsiga ayaa waxaa ka hadlay Dr. C/laahi Maxamed Ciise, Dr. Maxamed Cilmi Sooyaan, Dr. Aweys Sheekh iyo Dr. Cabdi Geedi oo dhamaan ka tirsan aqoonyahanada Wasaarada deegaanka iyo ilaalinta bee'ada.
Wasaarada Warfaafinta, Muqdisho