Dowladda Talyaaniga oo sheegtay in ay Dowladda Soomaaliya ka taageerayso sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa.
Rome, (TFG): Dowladda Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in ay Dowladda Soomaaliya ka taageerayso dhinacayada Dib-u heshiisiinta iyo Dhisidda Ciidamada Ammaanka dalkaas si loogu guuleysto nabadd ku soo dabaalida dalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibada dalka Talyaaniga Mr. Faranco Faratiini ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay sidii ay taageero dhab ah u siin lahyd dowlada KMG ah ee Soomaaliya si ay ugu fududaato wax ka qabshada xaaldaha amaandaro ee ka taagan gudaha wadanka Soomaaliya.
Mr. Forotini ayaa sheegay in Dowladdiisu ay gacan weyn ka gaysan doonto sidii ay uga shaqayn lahyd sidii taageero heer Caalami ah loo siin lahaa dalka Soomaaliya, islamarkaana ay uga caawin lahayd sidii Hanaanka Dib u heshiisiinta looga hirgalin lahaa dalka Soomaaliya si xal waara looga gaaro Mashaakilaadka ka aloolsan wadanka Soomaaliya.
Bayaan ka soo baxay Wasaradda arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga ayaa lagu sheegay in Wasiirka arimaha dibada uu wadahadal kula yeeshay Guddoomiyaha Ururka Midowga Africa Mr. Jean Ping magaalada Rome ee caasimada dalka Talyaaniga ayna iskula soo qaadeen kulankooda xaaladaha murgsan ee ka taagan dalka Soomaaliya iyo in sidii Beesha Caalamku ay u xoojin lahayd taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.
Labada Masuul ayaa waxay sidoo kale ka wada hadleen sida ay Muhiimka u tahay taageero dhab ah oo la siiyo xukuumada KMG ah ee Soomaaliya iyo Ciidamda Midowga Africa ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Talyaaniga Mr. Faranco Forotini ayaa u sheegay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mr. Jean Ping in dowladda Talyaanigu ay gacan ka gaysanayso wax ka qabashada dhinaca Ammaanka iyo sidii tababaro loo siin lahaa Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya si loo soo celiyo amaankii iyo kala danbeyntii ka jirtay dalka Soomaaliya.