Geneva, (TFG): Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa ugu baaqday Dowladda Sacuudi Carabiya in ay joojiso masaafurinta ay ku hayso dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah ugu, kuwaasoo ay u tarxiisho magaalada caasimada u ah dalka Soomaaliya ee ay dagaaladda halakeeyeen.
“UNHCR waxay aad uga walaacsan tahay Wararka sheegaya in ay weli sii socdaan Masaaafurinta lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee magangelyo doon ka ah, kuwaasoo ka soo cararay dagaalada ka socda caasimada dalka Soomaaliya soona raadsaday nabada ka jirta dalka Sacuudi Carabiya”, ayay tiri Afhayeenad u hadashay Hay’adda oo lagu magacaabo Melissa Fleming.
“UNHCR waxay ku boorinaysaa Masuuliyiinta Sacuudiga in ay joojiyaan masaafurinta ay sameyn doonaan iyagoo eegaya xaaladdaha Bini-Aadanimo ee jirta”, ayay ku dartay hadalkeeda.
Xafiiska Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegay in ay jireen in magaalada Muqdisho dib loogu soo celinayay sanadihii la soo dhaafay Dad Soomaali ah oo la soo tarxiilay dalka Sacuusiga, iyadoo aan la eegin dhibaatada ka jirta halkaas, kuwaasoo markoodii hore uga cararay Guryahooda dagaalada ka jira caasimada.
“Sida aanu ka soo xiganayno kuwa nala shaqeeya ee ku sugan Muqdisho, ilaa 1,000 Qof oo Soomaali ah ayaa laga soo tarxiilay Sacuudi Carabiya Bishii June oo kaliya, halka qayaas kale oo la sameeyayna ay sheegayso in sidoo kale Bishan Jully ay ku dhowdahay tiradda la soo masaafuriyay ilaa 1,000 qof”, sidaasi waxaa tiri Fleming oo Warbaahinta la hadlaysay.