Warkii ugu danbeeyay ee rasmiga ah ee ka soo baxay kulanka 15-aad ee caadiga ah ee Golaha Midowga Afrika ee quseeya Soomaaliya.
Kampala, (TFG): Shirkii Hogaamiyayaasha Midowga Afrika ee ka soconayay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa la soo gabagabeeyay, ayadoo gabagabadii kulankaasi laga soo saaray war-murtiyeed lagu qeexay go’aannadii shirka.
Shirka Midowga Afrika ayaa lagu go’aamiyay in Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ay baacsan karan haddii ay maleeshiyaadku soo weeraraan, islamarkaana ay la wareegi karaan Goobaha laga soo weeraro.
Midowga Afrika ayaa dib u dhigay Qodob ku aaddanaa in wax laga bedelo howlgalka Midowga Afrika loona bedelo Nabad dhaliyayaal, taasoo ay wadday dowladda shirka martigelisay ee Uganda iyo dowladda Soomaaliya, hase yeeshee Madaxda Afrika ayaa isku raacay in Qodobkaasi dib loo dhigo inta laga helayo Qalabka loo baahan yahay.
Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamada AMISOM ay u baahan yihiin Qalab dheeraad ah haddii ay noqoto in la bedelo mandate-kooda, isagoo tilmaamay in Diyaarado iyo Qalab kale uu goluhu ka dalbaday Dowladdaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska si wax looga bedelo howlgalka AMISOM, waxaana Qalabkaasi ka mid ah diyaaraddaha qumaati u kaca ee loo yaqaano Helicopters iyo Qaar kale oo ka mid ah Gaadiidka iyo Diyaaradaha dagaalka.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay arrinta ku saabsan Caafimaadka Hooyadda iyo Dhalaanka Qaaradda Afrika, waxayna Madaxdii ka soo qeybgashay Shikraas isku raaceen in la abuuro Jiil cusub oo Afrikaan ah, kuwaasoo bedeli kara Madaxda waqtigan ee Qaaradda, iyadoo lagu hubeynayo Aqoon, Caafimaad, Nolol iyo Technolog-yad casriga ah.
Ajandayasha ugu waa weyn Shirka waxaa ka mid ahaa arrinta Soomaaliya, waxaana looga hadlay 3 Qodob oo ka mid ah war-murtiyeedka, kuwaasoo u qornaa sidatan:-
7) Madaxda waddamada Midowga Africa ayaa muujiyay taageerada buuxda ee ay u hayaan dowladda Federalka KMG ah ee Soomaaliya iyo iyaga oo aad u canbaareeyay weerarada iyo ficillada la xiriira qalalaasaha ay wadaan kooxda Shabaab iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah ee ka dhanka ah TFGda, dadka Soomaaliyeed iyo howl galka AU ee waddanka Soomaliya.
Golaha ayaa sidoo kale si aad ah u cambaareeray weerarrada argagaxiso ee foosha xun ee ay sheegteen kooxda Shabaab ee laga geystay Kampala 11kii bishan july ee ka dhanka ahaa dad aan waxba galabsan.
Goluhu waxa uu baaq u jeediyay waddamada xubnaha ka ah iyo dhamaan beesha caalamka in ay go’doomiyaan islamarkaana ay qaadaan tilaabooyinka loo baahan yahay ee ka dhan ka ah kooxda Shabaab, ururrada iyo waddamada ku lugta leh falalka argagaxisnimo iyo cid kasta oo wiiqayso nabadda iyo hannaanka dib u heshiisiinta wadanka Soomaaliya, sidaasi si lamid ah xasiloonida gobolka iyo amaanka caalamka.
8) Qodobka sideedaad ayaa goluhu ku booriyeen dowladda KMG ah in ay kor u qaado midnimadeeda iyo in ay u shaqeeyaan ujeeddo buuxda oo ku wajahan dib u heshiisiinta Qaran, midnimada umadda Soomaaliyeed dhexdooda ah, ayagoo la raacayo heshiiskii bishii August ee sanadkii 2009ka.
Golaha ayaa sidoo kale soo dhoweeyay saxiixa iyo dhaqan gelinta heshiiskii lagu gaaray Adis Ababa 15kii bishii Marso ee sanadkaan ee u dhexeeyay dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo culimada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo sidookale “heshiiskii dowladdu la gashay Puntland 12kii bishii April ee sanadkii 2010ka”.
9) Qodobka sagaalaad ee ka mid ah war murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa waxa uu qeexayaa in guluhu uu muujiyay mar labaad ansixinta in ciidamo ay ku deeqeen dowladaha Ugaandha iyo Burundi kuwaa oo looga mahad celiyay deeqdaas ciidan ee qaaliga ah ee nabadda wadanka Soomaaliya ka qeyb qaadanaya ayadoo Golahu uu boorriyay dadaala socda ee lagu dhisayo awoodda ciidamada nabad geliyada dowlada Soomaaliya iyo taageerada la siinayo.
Go’aanadaan laga soo saaaray war-mutiyeedka kulanka xasaasiga ah ee 15aad ayaa si aad ah loogu mahad celilay tilaabooyinkii ay qaadeen madaxda wadamada urur goboleedka IGAD kaddib shirkii ay 5tii July ku yeesheen magaalada Adis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia oo ay ballan qaadeen in ay tirada ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ka dhigaan ilaaa iyo 8,000 oo askeri.
10) Qodobka 10 aad ee ee shirka kuwooda si aad ah uga hadlaya Soomaaliya ayaa waxa uu qeexayaa in goluhu uu si dheeraad ah u aqoonsado fara gelinta muhiimka ah ee wadanka Soomaaliya iyo codsiga gudoomiyaha gudiga Midowga Africa ee lagu muujinayo heerka lagu hir gelinayo taageerada caalamka ee wadanka Soomaaliya, waxaa sidoo kale war murtiyeedkaas lagu sheegay hanki wadanka Jabuuti uu yahay aasaaska kaliya ee nabadda iyo dib u heshiisiinta, waxaana dowladda KMG ah ee Soomaaliya lagu booriyay in ay sii waddo dadaaladeeda ah in ay samaynayso ballaarinta baaxadda siyaasadda ee dowladda oo ay ku jiraan in ay sii wado nabadda iyo in laga tanaasulo qallaasaha.
Golaha ayaa ku baaqay dhamaan dhinacyada in ay taageeraan islamarkaana ay xoojiyaan tillaabooyinka damaanad qaadka u ah nolosha shacabka Soomaaliyeed. Waxa ayna ku celceliyeen in baaqooda ku wajahaan beesha caalamka iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan in ay ciyaaraan dowrkooda saxda ah oo ay ku jirto in ay wax ka beddalaan AMISOM howlaha nabad ilaalinta wadanka Soomaaliya.