Muqdisho, (TFG): kalFadhigii ay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku lahaayeen Xarunta Golaha shacbiga ee magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay kadib markii uu buuxsami waayay Kooramkii loogu talo galay in uu ku furmo Fadhiga Baarlamaanka, iyadoo Guddoonka Baarlamaanku uu arintaasi ku dhaaliilay Xildhibaannada ku sugan magaalada Muqdisho ee aan soo xaadirin Kulanka Baarlamaanka.
Dib u dhacaan ku yimid kalFadhigii ay Mudaneyaasha Barlamaanka Soomaaliya ku lahaayeen Xarunta Golaha Shacbiga ee magaalada Muqdisho ayaa ka dambeeyay kadib markii uu soo dhammeystirmi waayay kooramkii loogu talo galay in uu ku furmo Fadhiga Baarlamanka Soomaaliya.
Xarunta Golaha Shacbiga ayaa waxaa soo xaadirtay Xildhibaanno gaaraya ilaa 266-Mudane oo ka tirsan Baarlamanaka Soomalaiya, iyadoo ay Madasha Shirka ku sugnaayeen Ku Simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Ku Xigeenka 1aad ee Guddoomiyaha Baarlmaanka mudane C/Weli Ibraahim Sh. Muudey iyo Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mudane Axmed Dhimbil Rooble Casawe oo markii ugu horreysay ka soo dhex muuqday fadhiga Baarlamanaka Soomaaliya tan iyo markii dhawaan loo doortay Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Ku Simaha Guddoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya ahna Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka mudane C/Weli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomalaiya ka hor caddeeyay in Fadhiga ay Mudaneyaasha Barlamanku isugu yimaadeen Xarunta Golaha Shacbiga uu u baaqday Xilkasnimo darro, islamarkaana aysan jirin Kooram la’aan Maadaama uu tilmaamay in Xildhibaanno faro badan ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Mas’uuliyada baaqashada ku timid furitaanka Fadhigaasi ay qaadayaan Xildhibaannada ku sugan magaalada Muqdisho ee aan soo xaadirin kulanka, wuxuuna sheegay in Kooramka loogu talo galay in uu ku furmo fadhiga Baarlamaanka ay ka maqan tahay oo kaliya illaa10-Xubnood, isagoo ugu baaqay Xildhibaannada in ay muujiyaan Xilkasnimo maadama ay Baarlamaanka horyaallaan Howlo faro badan oo u baahan in wax laga qabto.
Ku simaha Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ahna Ku Xigeenka 1aad ee Guddoomiyaha Barlamanka mudane C/weli Ibraahim Sh. Muudey ayaa ugu dambeyntii soo xiray fadhiga isagoo iclaamiyay in ay Mudanayaashu dib isugu soo laabtaan Maalinta Berito 9;00 Subaxnimo.