Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo sheegay in AMISOM aysan Cidna Weerar ku ahayn uguna baaqay Shabaab in ay Miiska Wadahadalka yimaadaan.
Muqdisho, (TFG): Afhayeenka Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM Major. Barije Bahuko ayaa ka hadlay dagaallada ka soconaya magaalada Muqdisho ee ay kooxaha dowladda ka soo horjeeda ku soo qaadaan Ciidamada Dowldda iyo kuwa AMISOM, isagoo sheegay in dagaalladaasi ay yihiin kuwo dhibaato badan u soo jiiday dadka shacabka ah ee ku nool magaalda Muqdisho.
Afhayeenku oo u waramaayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidamada Amisom aysan cidna weerar ku aheyn, balse markastaahi lagu soo weeraro xeerooyikooda ay ka deggan yihiin magaalada Muqdisho, wuxuuna beeniyay warbixin dhawaan qaar ka mid ah warbaahinta ay qoreen oo sheegeysay in Ciidamada AMISOM ay xasuuq cusub u geysanayaan dadka shacabka ah, iyagoo isticmaalaya Hub cusub, madaafiicna ku tuuraya Goobaha dadka Shacabka ah deggan yihiin ee ka baxsan Goobaha dagaalladu ka dhacayaan.
“Amisom uma joogto Soomaliya in ay waxyeelayso Qofna, amma dadka shacabka ah, xataa kuwa nala dagaalamaya haddii ay nasiib leeyihiin waan daawaynaa, bishii la soo dhaafay waxaan daryeel caafimaad u fidinay mid ay dhexdooda iska dhaawaceen” ayuu yiri Bahuko isagoo hadalkiisa sii raaciyay.
“Idaacaduhu waxay baahinayaan warar aan xaqiiqda ku saleesneyn cabsi ay ka qabaab kooxda Shabaab awgeed, Warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’adda maxalliga ah ee Nabadda ee Elman waxay ku sheegtay in ay hoos u dhacday tirada dhimashada dadka Shacabka ah soo gaaraysa, marka loo fiiriyo tirakoobkii ay soo saartay sanadkii 2007da ilaa 2008da, marka haddii Madaafiic dheeraad ah lagu garaaco dadka waa ay sii kordhi lahayd dhimashada shacabku”.
Afhayeenka Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM Major. Barije Bahuuko ayaa kooxda Shabaab gaar ahaan kuwa Soomaalida ah ugu baaqay in ay joojiyaan dagaallada ay ka wadaan gudaha wadanka Soomaaliya oo ay yimaadaan miiska wada hadalka, wuxuuna ka dalbaday in ay wadahadal la galaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ay iska daayaan dhibaatada ay abuurayaan, wuxuuna sheegay in markasta oo uu khilaafku sii bato in ay sii kordheyso dhimashada soo gaaraysa dadka shacabka soomaaliyeed, isagoo sheegay in wadahadalku uusan qofna ku dhimanayn, balse ay dagaalka waxyeelo ka soo gaarayso dad badan.