Waxyeelada loo geysto dadka rayidka ee Soomeeliyeed.
Nairobi, (TFG): Dagaal wiil kuma dhasho ee mid baa ku dhinta. Dagaalka Soomaaliya ka socdana kumaba sii jiro. DFKM ee Soomaaliyeed oo ay baritaarayaan xoogagga nabad ilaalinta ee midowga Afrika ayaa waxay dagaal qaraar kula jiraan maleeshiyaad ay ka go,antahay inay wiiqaan, kana takhalusaan dadaalada dibuheshiisiineed islamarkaasna qorsheynaya inay Wadanka Soomaaliya ka dhigtaan meel saldhig ah oo ay ka malaageen weerarada argagaxiso ee ay adduunka oo dhan la maaganyihiin.
Argagaxidan waxba kagama duwana kuwa kale ee dunida dacaladeda ka aloosnayd 30kii sano ee tagay. Inta badan waxay isticmaalaan taaktiig ay shacabka khatar ku gelinayaan oo intay wax haleeyaan dabadeedna shacabka gadiishiisa ku dhuumaaleysta). Had iyo jeer waxay la imaanayaan xeelad bahalnimo ah. Xagjiriintu, shacaba wanaagiisa wax dan ah kama laha, inta badanna waxayba ka dhigtaan shacabka gambaad, shacabka gadaashiisa ayay wax kasoo tuuraan.weererkii ugu dambeeyey ee Kampala si cad oo bareer ah ay u sheegteen in ay iyaga ka dambeeyeen.
Sidaas oo ay tahay dowladda Soomaaliyed diyaar uma ahan iney faceysato (kuwaasi bahaloobay) taas baddalkeed waxa dowladda ka go’an yareynta waxyeelada shacabka.
Waxaynu had iyo jeer meelmarinaynaa qaab aan wadankeena uga erinayno argagaxisada caalamiga ah innaga oo aan wax u dhimmeyn dadka rayidka ee ka agdhow goobta dagaalka.
Sida kusoo baxday waxbixin ay sammeysay Associated Press horraantii todobaadkan, inagga iyo dhig-geena midowga Afrikaba, waxaynu ka warqabnaa saammeynta ay nagu yeelan karto dhimashada hal qof oo rayid ah taageerada ay u hayaan dadka Soomaaliyeed hawsheenna. Sidaa darteed, waxaynu qaadeynaa tallaabo walba oo aan ku xakameynayno waxyeelada shacabka.
Hadaba, iyada oo ay taasi jrto, ayaa marmarka qaar waxa dhacda in dad rayid ah dagaal ku dhex qabsado meel iyaga oo socda. Iyada oo la ogyahay in eedda waxyeelada leeyihiin argagaxisada, hadane AMISOM waxay Muqdisho ka diyaarisay cusbitaal gargaar u fidiya dadka soo dhaawacma.
Xaalka Soomaaliya waxa sii adkeynaya waa raggan col-ujooga ah ee qaska iyo qalaanqalka ka kiciyey Afgaanistaan iyo Ciraaq ee hadda Soomaliya kusoo fatahmay. Waxayna Soomaaliya la yimaadeen xeelado silloon oo aan la garanayn ulajeedadooda, sida isqarxinta iyo u aabi-yeelid-laanta shacabka aan waxba galabsan; Iyo qaraxyada wadada qarkeeda la dhigo. Waxaa xusid mudan weererkii isqarxinta ee lala beegsaday ardaydii Banaadir University ee qalinjebinaysay iyo marti sharaftii kaleba, halkaasoo 24 qof ay ku dhimatay in ka badan 60-na ku dhaawacantay.
Waxaynu ugu baaqi beesha caalamka inay garab istaagaan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed si ay isaga caabiyaan argagaxisada hororka ah.
H.E. Mohamed Ali Nur
Ambassador
Embassy of the Somali Republic
Jabavu Road, Hurlingham
P.O.Box 623-00606 Nairobi,Kenya
Office 254 20 273 6618
Fax 254 20 273 6619