Kambala, (TFG): Tirada Dowladaha ciidamada ugu deeqaya dalka Soomaaliya ee ka tirsan Ururka Midowga Afrika ayaa sii kordheysa, iyadoo ay haatan dalka Soomaaliya ku sugan yihiin ciidamo ka socda dalalka Uganda iyo Brundi.
Dowlado ka tirsan Ururka Midowga Afrika ayaa ka baaraan dagaya sidii ay Ciidamo ka socda wadamadooda ugu soo diri lahaayeen dalka Soomalaiya, si ay uga qeyb qaataan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Lugta dalka Uganda General Idwar Katumba Wamala ayaa ka hor sheegay Guddiga Difaaca Baarlamaanka dalka Uganda in Afar Dowladood oo kala ah Ghana,Senegal,Nigeria iyo Zambia ay ka baaraan dagayaan sidii ay Ciidamo ka tirsan Wadamadooda ugu soo diri lahaayeen Soomalaiya, isagoo tilmaamay in saraakiil ka tirsan qaar ka mid ah Dowladahaasi ay Booqasho ku joogaan Soomaliya si ay ugu kuur galaan xaaladda dhabta ah ee uu haatan ku suganyahay dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mr.Jean Ping ayaa sidoo kale Maalintii shalay Shir jaraa;id uu ku qabtay magaalada Kampala ee caasimadda wadanka Uganada ku sheegay in ay Dowladda Gini ay diyaar u tahay inay Ciidamo gaaraya Hal Bataliyaam u soo dirto dalka Soomalaiya si ay u garab istaagaan Ciidamada Midowga Afrika ee xilligaan ku sugan gudaha dalka Soomalaiya.
Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Soomaliya Mudane Abuukar Cabdi Cusmaan, ayaa Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda kulan uu kula qaatay Wasiirada Gaashaandhigga Dalalka ku bahoobay Ururka Midowga Afrika, wuxuuna kala hadlay sidii ay Ciidamo ka socda dalalkooda ugu soo diri lahaayeen Dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomalaiya Mudane Sh. Shariif Sh.Axmed ayaa dhanka kale kulamo gargaar ah la qaatay Qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha wadamada Midowga Afrika, wuxuuna kala hadlay sidii ay Ciidamo ugu soo diri lahaayeen dalka Soomalaiya si ay u garab istaagaan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomalaiya.