Wasiiradda Warfaafinta iyo Amniga Qaranka ee Soomaaliya oo kulan kula qaatay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaaladdaasi.
Nairobi, (TFG): Wasiirada warfaafinta iyo amniga Qaranka ee xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa shir-jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Nairobi kaga hadlay xaaladda uu ku jiro dalka iyadoo Wasiirka warfaafinta uu faahfaahin ka bixiyay kulamo uu la qaatay Diblomaasiyiin caalami ah oo ku saabsanaa horumarinta Saxaafadda Soomaaliya.
Shirkan jaraa’id oo ay sida wadajirka ah u qabteen Wasiirada warfaafinta iyo amniga Qaranka ee xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka danbeeyay kadib markii Masuuliyiintaasi ay kulamo la qaateen Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Wasiirka warfaafinta xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisoow) oo shirkaasi jaraa’id kadib u waramaayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Wariyayaashii ay la kulmeen ay uga warbixiyeen xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya iyo in dagaalada ka jira dalka Soomaaliya aysan ahayn kuwo u dhaxeeya dadka Soomaaliyeed, balse ay taasi cadayn u tahay sheegashada ay Maleeshiyaadka Kooxada Al shabaab sheegatay in ay iyadu ka danbeysay Qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda, taasoo ay ku dhinteen dad fara badan oo aan waxba galabsan.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in ujeedada dhabta ah ee Shirkooda jaraa’id ay ahayd in ay warbixin dhab ah ka siiyaan Suxufiyiinta Caalamiga ah iyo ku Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi xaaladda amni ee dalka Soomaaliya, islamarkaana ay uga warbixiyaan Mowqifka dowladdu ka qabto falalka ay Kooxahaasi ku kacayaan, wuxuuna sheegay in Beesha Caalamka looga baahan yahay in ay taageerto sidii dib u habeyn loogu habeyn lahaa Ciidamada Qaranka Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan in ay ka hortagaan Kooxahaas islamarkaana loo heli xaquuqdoodii.
Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa sidoo kale Faahfaahin ka bixiyay kulamo uu magaalada Nairobi kula yeeshay Qaar ka mid ah Hay’addaha Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Mashaariicda Horumarinta, kuwaasoo uu sheegay in ay isku afgarteen in la taageero Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo Wasaaradda warfaafinta xukuumada KMG ah ee Soomaaliya iyo in Dowladda Talyaanigu u balanqaaday Dowladda Soomaaliya in ay ugu deeqayso Qalab warbaahineed si dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha iyo dibadaba ay u gaarto fariinta dowladda iyo in la soo nooleeyo Fankii Soomaaliya.