Xulo Luuqaddaada: Somali  |   English  
   Raadi:  
War Saxaafadeed  |  Nagala Soo Xidhiid  

Dowladda Federaalka Kumeel-Gaarka (DFKMG) ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Dowladda Soomaaliyeed ee waqti xaadirkaan adduunyadu aqoonsantahay.

 

Sii aqri

> Home
> Madaxweynaha
> Ra'iisul wasaaraha
> Baarlamaanka
> Maqalka & Fiidiyowyada
> Wararkii ugu dambeeyay
> Xidhiidhada Muhiimka ah
> War Saxaafadeed
> Weydii Dowladda
> Nagala Soo Xiriir


AXDIGA KU MEELGAARKA AH
DASTUURKA



Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin

Wasaaradaha

Wasaaradda Waxbarashada

 

 Ahmed Abdullahi Sh. Mohamoud (Waayeel), Minister of Education.

   

Oraahda wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta.

Wasaaradda waxbarashada iyo Barbaarinta iyo laamaheedii kala duwanaa kama aysan badbaadin burburka dalka soo gaaray, waxaa xirmay xafiisyadii wasaaradda, dugsiyadii iyo goobihii kale ee ku hawlanaa waxbaridda ubadka Soomaaliyeed, 
 
 

 
Waxaa la asaasay dugsiyo, machadyo, Jaamicado iyo hay’ado waxbarasho oo si gaar ah loo leeyahay. Tani waxa ay ahayd tillaabo wanaagsan oo dhanka horumarka loo qaaday hase-yeeshee ma ahayn mid dabooli karta baahida dalku uu u qabo waxbarasho teyeysan bahaasanna.
 
Isxilqaanka aqoon-yahannada waxbarashada Soomaaliyeed waxaa dhinac sacday kaalmo ay bixinayeen hay’ado isgu jira kuwa maxalli ah, kuwo goboleed iyo kuwo dawli ah (local, regional & international), waxaa iyadana aan meesha ka maqnayn taageerada hagar la’aaneed ee ay bulshda Soomaaliyeed qeybaheeda ay ka qaateen dardargelinta adeega waxbarasho ee unkamay.
 
Maqnaanshaha maamulka dhexe (wasaarad) oo awooda bixinta tas-hiilaadka looga baahan yahay, lehna karti hagid, saxid, kormeer, la xisaabtan iyo amaan darrada goobaha qaarkood ka jirta ayaa dhalisay in waxbarashada dalka ka jirtay tiro iyo tayaba ay ka hooseyso halkii laga doonayey.iyadoo ay caddahay maqanaashaha kaalinta xukuumadda dhexe (wasaaradda) ay ku lahayd horumarinta waxbarashada dalka, ayaa hadana waxa ay su’aal weyni ka taagan tahay arrimo badan oo u baahan wax ka qabashadooda in meel looga soo wada jeesto, waxaana ka mid ah:
 
  1. Ka muuqasha la’aanta dalka deeqaha xajmiga weyn ee ay bixiyaan hay’adaha waxbarashada dalka caawiya.
  2. Manaahijta la dhigo oo aan ka mideysnayn ujeeddooyinka guud iyo kuwa gaarka ah, heerka, tayada iyo mushkiladaha ay daaweynayaan.
  3. Goobaha waxbariddu ka socoto qaarkood oo aan buuxinaynin shuruudhii looga baahnaa, burburka baahsan ee dalka ka dhacay awgii.
  4. Tayda macallinka oo kor u qaadis u baahan.
  5. Habka imtixaanaadka iyo bixinta shahaadooyinka oo aan mideysnayn, iyo kuwo kale.
Sidaa awaadeed, Wasaaraddu, xilligan, waxay waajaheysaa hawlo aad u adag, waxaanse rumeysanahay in arrimahaas laga gudbi karo wax badanna la qaban karo haddii tala saarashda Allah ka dib la helo iskaashi dhex mara wasaaradda iyo wasaaradaha kale ee ku shaqada ah, qaybaha kala duwan ee bulshada, ururada caalamiga ah, iyo urur goboleedyada daneeya horumarinta waxbarashada Soomaaliya.
 
Dib u soo nooleynta qaybihii waxbarashada iyo abuurista kuwo cusubi waxay wasaaradda awood u siinayaan in ay jiilka da’da yar ama soo koraya siiso fursado waxbarasho oo u suurta geliya ka qayb qaadashada horumarinta qaran iyo kobcin garaadka bulsho aan coladi ka dhexeynin.
 
Ahmad Abdullahi SH. Muhamad ( Waayeel)
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada

Wasaaradaha Kale
  1. Wasaaradda Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta
  2. Wasaaradda Hubka Dhigista & Jiheynta Maleeshiyooyinka
  3. Wasaaradda Lacagta
  4. Wasaaradda Deegaanka
  5. Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
  6. Wasaaradda Warshadaha
  7. Wasaaradda Ganacsiga
  8. Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
  9. Wasaaradda Dib u dhiska
  10. Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
  11. Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare
  12. Wasaaradda Hantida Qaranka iyo Qalabaynta
  13. Wasaaradda Beeraha
  14. Wasaaradda Garsoorka
  15. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
  16. Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah
  17. Wasaaradda Qurbajoogta
  18. Wasaaradda Amniga Qaranka
  19. Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  20. Wasaaradda Difaaca
  21. Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta
  22. Wasaaradda Dhallinta iyo Isboortiga
  23. Wasaaradda Guriyeynta iyo Hawlaha guud
  24. Wasaaradda Maaliyadda
  25. Wasaaradda Horumarinta Haweenka & Daryeelka Qoyska
  26. Wasaaradda Hurumarinta Reer miyiga
  27. Wasaaradda Warfaafinta
  28. Wasaaradda Caafimaadka
  29. Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
  30. Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
  31. Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dakadaha
  32. Wasaaradda Dalxiiska iyo Duur Joogta
  33. Wasaaradda Shaqada iyo Hurumarinta Shaqaalaha
  34. Wasaaradda Arimaha Dibadda
  35. Wasaaradda Sancada iyo Cilmibaarista
  36. Wasaaradda Naafada iyo Dib u dejinta
  37. Wasaaradda Arrimaha Gar gaarka
  38. Wasaaradda Arrimaha Diinta
Home  |  President  |  Prime Minister  |  Parliament  |  Videos  |  News & Events
Useful Links  |  Press Releases  |  Feedback  |  Contact Us  |  Staff Portal  AdministratorAdministrator

©Copyright 2009.All Rights Reserved