![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
|||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
Wasaaradaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Safarkii Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu ku wehliyay duqa magaalada Muqdisho, waxa uu ahaa mid ay wasaaraddu guul weyn kaga soo hoysay laguna soo xalliyay arrimo badan oo ku saabsanaa dib u dhiska iyo tayeynta maamulka wasaaradda Arrimaha Gudaha baahideeda iyo kan maamulka gobolka Banaadir sidoo kalena lagu soo xalliyey arrimo la xiriira mushaarka iyo tababarrada ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. “Ujeedada ugu weyn ee safarkayagu waxa uu ahaa sidii aan ula kulmi lahayn hay'adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah. Safarkayagu waxa uu la xiriirey barnaamij ay wasaaraddda Arrimaha gudaha diyaarisay oo ku saabsanaa taabagelinta qaab-dhismeedka maamulka wasaaradda iyo dhamaystirka hawlgelinta wasaaradda iyadoo la kaashanaysa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Barnaamijyada Adduunka ee UNDP. Xubnihii wafdigaygu waxay wadatashiyo muddo todobaad ah socdey la yeesheen shan hay'adood oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo ay ku jirto UNDP, waxaana wadatashiyadaas saldhig u ahaa dhamaystirka iyo dib u hawlgelinta haykalkii maamul iyo shaqo ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qaabaynteedaba iyo dhismaha iyo tayeynta maamulka gobolka Banaadir. Waxaa kale oo wadatashiyadii hay'adaha Qaramada Midoobay looga dooday sidii hay'aduhu magaalada Muqdisho uga fulin lahaayeen mashaariic nolosha dadka saameyn ku yeelan karta adeegga bulshadana kaabaysa oo ay dadku shaqooyin ka heli karaan. Waxaa kale oo shirarkaas looga hadlay arrimaha boliiska gaar ahaan mushaaraadooda, tababarradooda iyo sidii loo hagaajin lahaa wada shaqeynta hay'adaha Qaramada Midoobay iyo kan Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wasaaraddu waxay hay'adaha Qaramada Midoobay iyo wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha ah uga warbixisey si faahfaahsan xaaladda siyaasadeed iyo tan nabadgelyo ee dalka waxaana ay sidoo kale sharaxday siyaasadda dawladda ee ku wajahan sidii amniga dalka loo soo celin lahaa, siyaasadeeda, dib u heshiisiinta iyo caqabadaha hortaagan waxqabadka dawladda iyo kaalmada ay u baahan tahay intaba. Wasaaraddu waxay hor dhigtey hay'adaha Qarmada Midoobay iyo wakiilada beesha caalamkaba inay u baahan tahay waxqabad dhab ah oo la tilmaami karo lana taaban karo loo fidiyo dadka Soomaaliyeed isla markaana taageero muuqata la siiyo dawladda si ay ugu guulaysato dadaalkeeda inay dalka xasilooni ugu soo celiso. Waxaana u tilmaamay in mashaakilaadka amni darro iyo dagaaallada joogtada ah ee Koonfurta Soomaaliya ka jira ay salka ku hayaan dhibaatooyin dhaqaale iyo faqri daba-dheeraadey oo dadka haysta oo keeney dib u dhacsanaan ku habsatay bulshada taasi oo keentay in dhallinyaro badan ay dagaalka meherad ka dhigtaan. Si taas looga gudbo waxa ay wasaaraddu soo jeedisey in loo baahan yahay in la abuuro mashaariic dhallinyarada lagu jihaynayo si ay uga maarmaan dagaalka ay meherrada ka dhigteen sidoo kalena la hirgeliyo mashaariic nolosha dadka wax ka bedelaya oo ay shaqo ka heli karaan. Waxaa aan hay'adaha Qaramada Midoobay iyo beesha caalamkaba ku adkaynay in loo baahan yahay waxqabad muuqda, waqtiyeysan lana taaban karo, waxaana u sheegnay inaynaan u iman inaan la laabanno ballanqaadyo balse aan doonayno inaan dalka kula laabanno qorshe waxqabad oo ay ku caddahay waxa la qabanayo iyo goorta la qabanayo, cidda qabanaysa iyo sida loo qabanayo intaba, anaka oo weliba si gaar ah u codsannay hirgelinta barnaamijyo deg-deg ah oo dadka wax loogu qabanayo oo gobolka Banaadir laga hirgeliyo. Ugu dambayntii dood dheer ka dib iyo wadatashiyo xiriir ah waxaa ay wasaaraddu ku guulaysatay inay heshiis rasmi ah la gasho balse aan weli la saxiixin UNDP kaasi oo ay ku caddahay qodobo tilmaamaya waxyaabihii lagu heshiiyey in la qabto waxaana ka mid ah qodobaddii heshiiska:
Horraanta bisha November ayaa wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay'adda UNDP ay rasmi ahaan u wada saxiixan doonaan heshiiskaas iyadoo sidoo kalena la soo dhamaystiri doono mashaariic iyo qorshe-hawleedkii 2010-ka laga hirgelin lahaa gobolka Banaadir iyo gobollo kale. XAFIISKA WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA Wasaaradaha Kale
|
||||||||||||||||||||||||||||||
|