Xulo Luuqaddaada: Somali  |   English  
   Raadi:  
War Saxaafadeed  |  Nagala Soo Xidhiid  

Dowladda Federaalka Kumeel-Gaarka (DFKMG) ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Dowladda Soomaaliyeed ee waqti xaadirkaan adduunyadu aqoonsantahay.

 

Sii aqri

> Home
> Madaxweynaha
> Ra'iisul wasaaraha
> Baarlamaanka
> Maqalka & Fiidiyowyada
> Wararkii ugu dambeeyay
> Xidhiidhada Muhiimka ah
> War Saxaafadeed
> Weydii Dowladda
> Nagala Soo Xiriir


AXDIGA KU MEELGAARKA AH
DASTUURKA



Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin

Wasaaradaha

Wasaaradda Horumarinta Haweenka & Daryeelka Qoyska

Fawsiya Mohamed Sheikh, Minister of Women and Family Affairs.

   

Wasiiradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska oo ka warbixisay waxqabadka wasaaraddeeda.

 

TFG Website: Marwo wasiirad, ka waran waxqabadka wasaarada horumarinta haweenka iyo daryeelka qoyska?

Wasiiradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh: Wasaarada sidaad u og tihiin dowladda hada sanad ayay jirtaa, wasaaradana markii aan wasiirka noqonaayay wasaarada magac ahaan waa jirtay laakiin wax xafiis ah ama shaqaale markaas jiray ma jirin wasaarada waan dhisay xafiisyaan u suubinay dhanka shaqaalihii ayaan qornay waan sharciyaynay inkastoon weli aanan haysan meel wasaarada qaas u ah oo gurigii haweenka aanaan weli ku wareegin, laakiin qeyr allaha siiyee wasiirkii hore ee warfaafinta Farxaan Cali Maxamuud ayaa meel naga siiyay dhismaha wasaaradda warfaafinta ilaa 7 qol oo ay wasaaradda Haweenku ku shaqeysaan meesha ka helnay.

Wasaaradda waan dhisnay laakiin wax dhaqaale ah oo wasaarada soo galay ma jirin waan is xilqaanay oo wax baan kaalmo meelaha ka raad raadinay waxaana furnay machad, si gabdhaha ay wax ugu bartaan oo ay bari mustaqbalkooda ku dhistaan oo ay ku shaqeystaan waxaana lagu barayaa Computer-ka ummadda Soomaaliyeed oo Xamar degan ayaan wax kaalmo ah ka helnay mid aan Computer-ro ka soo qaadano midaan miisaska soo qaadano anaga isku tashanay wax dibad nooga yimid ma jirto sidii ayaan ku sii wadnay.

Ilaahey mahadiis machadkiina wuxuu maanta marayaa in uu seddex machad kale uu furo oo aan ku xijiyay marki ay gabdhihii ugu horeeyay ay nooga soo baxeen tababarkii oo sedex bilood barteen koorso Computer-ka ah in aan maanta u gudubno machad kale oo maamulka iyo maareeynta ah, machadkaasna kaalmada ugu horeysa waxaan ka helnay guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo guddoomiyayaashiisa degmooyinka oo nagu tabarucay kuraas oo aan machadkaas aan ku furno, kadibna kuraastii intii hartay koox kale ayaan ka soo qaadnay waan isku jacburinay waana ku guuleysanay oo waxaan ku biloownay gabdhihii Computer-ka ka soo baxay iyo kuwo kale machadka maamulka iyo maareeynta ayaan u soo gudbinay dufcad labaadna waan furnay.

Waxaan furi doonaa qeyb farshaxan ah oo ay gabdhaha ku bartaan harqaan iyo shilis iyo wax gacanta lagu suubiyo darmaha taasna runtii anaga dhexdeena ayaa isku tashanay wax haba yaraatee oo kaalmo ah oo aan dibada iyo gudaha ka helnay ma jirto ilaahna iyadana taas guul waa iga siiyay taasoon ugu talagalay in gabdhuhu ay wax gacantooda ku bartaan si ay bari ugu shaqeystaan waayo waxa kaliyah oon maanta aan gabdhaha u tari karno waxaa ka mid ah in aan wax barno markii ay waxbartaana ay iyaga is dabaraan oo waxay barteen ay ku shaqeystaan.

Waayo maanta hadaad qof wax siiso bari ama saad danbe aad wax siisana waxba uma tarayaan ayagana wax isuma tari karaan laakiin qofka markaad wax bartid waxbarashadaas iyo cilmigaas meel kastuu kaga shaqeysanayaan Ilaahey idinkiisna, ilaahey waa igu garab galay ilaa afar machad ayaan maanta wasaarada ay furtay, Ilaahayna waa igu garab galay, meesha hadda aan machadka ka furay waa iskuul Alaahida meeshii la dhihi jiray qeybaan ka helnay qeybtii ma dayactirnayn waan dayactirnay taasina waxaa waaye ilaahay mahadiisa.

Waxaana rajeynaa wixii hadda ka danbeeya in ay saas u sii socota shaqada wasaarada hadduu ilaahay yiraahdo anagoo isku tashanayno oo wax dibada iyo gudaha meel aan wax ka helnay aanay jirin oo kaalmo ah.

TFG Website: Marwo Wasiir, muxuu yahay qorshaha wasaarada ee sanadkaan hadda biloowga ah?

Wasiiradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh: Qorshaha wasaaradda haddaan dhaqaale la helin wax weyn oo aan qaban karno ma lahan, laakiin qorshahayga waxaa ka mid ah barakacayaasha in aan u furno iskuul aan iskuuladii rasmiga aheyn si caruurtooda bari markii ay nabad ay dhacdo ula bilaabaan iskuulada kaleeto wax yaroo iskuul ay wax ku bartaan oo aan wax ku barno oo ay iskuulada bari markay nabad dhacdo ay ula qabsadaan meel yaroo caafimaad ah si caafimaadkooda aan meesha ugu baarno iyo wax yaroo raashin ah ama shaqo yar oo gacan ah in aan u suubino oo ay wax ku bartaan marka waxaan rajeynayaa in nolol maalmeedkoodii meel ay ka soo saartaan.

Waxaan rajeeynayaa sida ugu dhaqsaha badan nabad inaan helno meeshay ka soo barakaceen inaan dib ugu celino guryahoodii oo waxna ku siino ilaa labo bilood sedex bilood si ay bari ka maalin markay nabad ay sii waarto ay igana meeshaas ay ku shaqeystaan.

TFG Website: Marwo Wasiir, ka waran xiriirkiina dibada iyo tababarada ama shaqaalihiinu helaan ama haweenka Soomaaliyeed aad u heegan tihiin?

Wasiiradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh: Aniga wasiir ahaan dibada xooga ma saarin guddahaan xooga saaray, sababtoo ah dibada dowladdaha naga horeeyay anaga oo midaan ma ahan dowladdii ugu horeysay Soomaaliya ee dibada wax nalooga qabtay ma lahan wax la sheegaaya waa af wax haba yaraatee dhaqaale naga soo gaaray ma lahan, wax haba yaraatee tababaro ay na siiyeen ma jirto sidaa darteed in aan ku mashquulo dibada go’aan ayay iga tahay ma rabo, inaan ku mashquulin oo aan innaga dhexdeena wax isbarno ayaan rabnaa, waayo maanta Soomaaliya macalimiinta ugu sareysaa ama dadka waxbara dadka ugu fiican ayaa Soomaaliya jooga haddaan iyaga ka shaqeysiino waxay ila tahay in aan guul gaareyno.

Laakiin markaan kumashquulno dibadda waxay ila tahay wax horumar aan gaareyno malaha dibada waan ku mashquulnay, dowladdihii horaa ku mashquuleen anaga laftirkeena waan isku daynay laakiin wax haba yaraatee aan dibada ka keenay ma lahan wax horumar ama wax dhaqaale oo ay nagu kaalmeeyeen ma jirto ilaa hada oo aan sanad jirno koleyba wasaarad ahaan wax iga soo gaaray ma lahan.

Sidaas darteed waxaa go’aan iga ah aniga inaan ku mashquulo gudaha macalimiintiina haddaan wax u heli karno aan siino dadna ay wax noo baraan dadkaas ay bari ayagana ay wax baraan dadkii ka danbeeyay waayo waxay ila tahay jaamacado iyo iskuulo runtii wax laga barto oo fiicanaa maanta Xamar ku yaala ama Soomaaliyoo dhan marka waa inaan ka faa’iideysanaa una faa’iideynaa dadkii wax ka soo bartay iyo dadkii waxbaraayayba.

Anaga haddaanan wax isu faa’iideynin oo aan u orodno dadka dibada oo kaliya waxay illa tahay kuwa gudaha ku jira laftirkooda waxay u baahan yihiin in ay waxay soo barteenna ay dadkooda u faa’iideeyaan ayagana wax laga faa’iideysto.

TFG Website: Marwo Wasiir, ka waran xiriirka aad la leedihiin hay’addaha UN-ka ama hay’addaha guddaha (NGO-yada ah) iyo kuwa caalamiga ah?

Wasiiradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh: Wasaaradeena dhowr jeer ayaan isku daynay in aan uun wax nagu kaalmeeyaan ama ay wax noo qabtaan maadaama aan arkay in aysan u soo jeedin in ay wax qabtaan waxaan xooga saaraan gudaha in aan wax ka soo saarno ilaaheyna waa nagu kaalmeeyay rajadeydana aad ayey u fiican tahay in aan anaga isku tashano.

TFG Website: Wasaardaha dowladda wada shaqeyn ceenkee ah ayaa kala dhaxeysa ka wasaarad ahaan?

Wasiiradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh: Wasaaradeyda, Wasaaradaha oo dhan wey la shaqeysaa waana wasaarada xiriir la lahaan karto wasaaradaha oo dhan waayo haween lagama maarmo tan labaad qoyskana mas’uulbay ka tahay qoyskana raga waa ku jiraan waxay ila tahay wasaarad kasta xiriiraan la lahaaneynaa haddii ilaahay yiraahdana waan la lahaaneynaa waana la leenahay.

TFG Website: Marwo wasiir, ka waran maalmahaan waxaa jiray eedeyn wasiirada dowladda iyo hay’addaha dowladda oo ay hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay ay ka gudbisay?

Wasiiradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh: Sidaad u maqasheen ayaan anagaba u maqalnay koox la yiraahdo MONITORING GROUP oo waxay rabaan iska qorayaan ayaa sheegay, eedeyntaan ay maanta na eedeeyeen ma ahan midii ugu horeysay ee ay dowladda ku eedeynaayaan dowladdahii horana saasay ugu eedeyn jireen marka waxay ila tahay wax been ka abuur ah waaye, dowladdana maadaama la arkay in ay dowlad dhaqaaqeyso tahay dowlad ummaddoo dhan ay jecel yihiin, in dowlad taageero badan haysato, markastaba waxaa lagu dadaalaayay in dowlad kastoo Soomaaliya ka dhalato sidii looga hortagi lahaa ama awoodeeda loo baabi’in lahaa sidaa darteed ayay u qoreen waxaan raad aan laheyn. Markay nagu sheegaayaan is xambaar iyo fiisooyin ayey gateen, fiiso meeshaan la gadan karo ma jirto.

Hagaag, haddii ay fiisooyin ay siiyeen wasiirada waxaa qaladka iska leh safaaradaha safaaradii iyo wasiiradii maa shirko ku noqday in ay fiisooyin wada gataan waayo laguma siinaayo adiga fiiso aan raad laheyn wasiirka markuu warqad qoraayo waa in uu qoraa wax raad leh qofkuu u qoraayo muxuu yahay muxuuna ka raadinaa Yurub???.

Marka hadii la siiyo waxay ila tahay safiirkii siiyay iyo isagaa shirko ku noqday horta waa mid tan labaad aniga markaan shaqsiyan iska hadlo wasiir ahaan weli ma dhicin safaarad aan warqad u qoray iska daa safaaarad aan warqad u qoraye xataa ma jirto safaaradaan hortagay oo aan fiiso wareystay ama warqad aan u qoray taasna waxaa larabaa cadeyn (EVIDENCE) in ay keenaan oo wax qoraal ah ama wax la taaban karo In ay ku soo cadeeyaan wasiirki wax gatay ama wasiirkii hortgay oo safaarada wax ka qaatay hadduu wax ka qaatay wasiirka ama wuxuu uga qaadayaa wasaaradiisa dad ka shaqeyay ama siminaaro dad oo gudiyo ah taas waa baab gooni ah oo wax dowladda la og tahay waaye.

Laakiin shaqsiyan safaaradaan hor tagay ma lahan warqad aan qorayna ma jirto ama wasaarad ha ahaato ama shaqaale ha ahaato qof aan warqad u qoray ma lahan safaarad aan hortagay nolosheyda ma leh, ilaahayna waxaan ka baryaa kashif key nala rabeen ayakaa maanta kashifan oo ummadda dhanaa og dhibkey u geysanaayeen dowlad kasta mana looga haraayoo looyaraan qabsanay dowladdana waa is difaaceysaa  wixii qaldanna waa la ogaan doonaa laakiin qalad iyo been abuur ay nagu suubiyeen waaye.

TFG Website: Ugu danbeyn maxay tahay fariintaada nabadeed ee aad u jeedinaysid haweenka Soomaaliyeed ama qoysaska Soomaaliyeedba meelkasta oo ay joogaan?

Wasiiradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh: Haweenka Soomaaliyeed iyo qoysaskaba waxaan leeyahay nabadda in ay hormuud u noqdaan nabaddu waa nolol haddaan nabad la helin nolol ma helayno waa in ay wixii xun iska qabtaan kan qaldan ay iska qabtaan kan qaldan ay ku mudaaharaadaan, anaga tabar kale ma lihin oo maanta dad hubeysan oo maanta hadaan dhihi karno xataa waa is hubeynaynaa diyaar uma nihin in aan is hubeyno hubna inaan wax ku qaadi karin waan ognahay diyaarna uma nihin inaan fidno kale abuurno.

Laakiin waxaan leeyahay haweenka waa in ay nabad horseed u noqdaan waa in ay ku dadaalaan sidii nabad lagu heli lahaa waayo hadaan nabad aan la helin nolol ma helayno waa in aan baryo iyo duco iyo ilaahey baryadiisa aan ku darnaa.

Ragga maanta nabada noo diidan ilaahey inuu qulubtooda naxariis soo galsho oo aan ilaahay u barinaa in ay u soo jeestaan caruurtooda iyo haweenkoodii iyo waayeelkoodii siday nabad u heli lahaayeen ilaahey idinkiisna waxaan rajeynayaa sida dhaqsaha badan ilaahey in uu nabad deg deg ah nagu siin doono.

Wareysi Qaade: Mahad Maxamed Sheekh (Istiila)

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho


Wasaaradaha Kale
  1. Wasaaradda Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta
  2. Wasaaradda Hubka Dhigista & Jiheynta Maleeshiyooyinka
  3. Wasaaradda Lacagta
  4. Wasaaradda Deegaanka
  5. Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
  6. Wasaaradda Warshadaha
  7. Wasaaradda Ganacsiga
  8. Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
  9. Wasaaradda Dib u dhiska
  10. Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
  11. Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare
  12. Wasaaradda Hantida Qaranka iyo Qalabaynta
  13. Wasaaradda Beeraha
  14. Wasaaradda Garsoorka
  15. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
  16. Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah
  17. Wasaaradda Waxbarashada
  18. Wasaaradda Qurbajoogta
  19. Wasaaradda Amniga Qaranka
  20. Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  21. Wasaaradda Difaaca
  22. Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta
  23. Wasaaradda Dhallinta iyo Isboortiga
  24. Wasaaradda Guriyeynta iyo Hawlaha guud
  25. Wasaaradda Maaliyadda
  26. Wasaaradda Hurumarinta Reer miyiga
  27. Wasaaradda Warfaafinta
  28. Wasaaradda Caafimaadka
  29. Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
  30. Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
  31. Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dakadaha
  32. Wasaaradda Dalxiiska iyo Duur Joogta
  33. Wasaaradda Shaqada iyo Hurumarinta Shaqaalaha
  34. Wasaaradda Arimaha Dibadda
  35. Wasaaradda Sancada iyo Cilmibaarista
  36. Wasaaradda Naafada iyo Dib u dejinta
  37. Wasaaradda Arrimaha Gar gaarka
  38. Wasaaradda Arrimaha Diinta
Home  |  President  |  Prime Minister  |  Parliament  |  Videos  |  News & Events
Useful Links  |  Press Releases  |  Feedback  |  Contact Us  |  Staff Portal  AdministratorAdministrator

©Copyright 2009.All Rights Reserved