![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
|||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
|||||||||
|
Wasaaradaha Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Mudane, Madoobe Nuunow Maxamed oo ka warbixiyay waxqabadka wasaaradiisa.
TFG Website: Mudane Wasiir ka waran waxqabadka wasaarada dastuurka iyo arrimaha federaalka?
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Mudane, Madoobe Nuunow Maxamed: Waxaan marka hore u mahadcelinayaa howlwadeenada webka dowladda (TFGSomalia). Haddii aan kaaga waramo wasaaradaan waxay la mid tahay wasaaradaha cusub ee dowladdu soo dhistay ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti, waxayna ka mid tahay wasaaradaha aan jiri jirin waagii hore, duruufta keentayna waxaa ka mid ah, in dalka laga soo bilaabo dowladdii hore ee militariga wax dastuur ah oo taabo gal ah oo shacabka kalsooni siiyay aanu dalka ka jirin. Saa daraadeed loo arkay in dalku uu u baahan yahay in uu yeesho dastuur, dastuurkaas uu noqdo dastuur shacabka xagiisa ka yimid, shacabkana kalsooni siiyay marka sidaas daraadeed dowladdaan KMG ah tiirka ay ku taagan tahay waa dalka in ay gaarsiiso nabad iyo horumar iyo dimoqraadiyad, iyo dib u heshiisiin. Sidaas daraadeed waa wasaarada intaba kulmisa marka loo fiiriyo wasaaradaha kale waayo dalkaan wuxuu u baahan yahay nidaam, nidaamka ayaa keenaya nabada, nidaamka ayaa keenaya kala danbeynta, nidaamka ayaa keenaya cadaalada, nidaamka ayaa keenaya garsoorka, nidaamka ayaa keenaya qofka in uu xoriyadiisa si taam ah u adeegsado. Sidaas daraadeed waa wasaarada u xilsaaran dalkaan in uu helo nidaam, marka nidaamkana waxaa tiir u ah dastuur in la helo, dastuurku micnihiisu waxaa weeye wax ummaddu ku heshiisay, dastuurkaan waxaa weeye mid diinta islaamka, dhaqanka suuban iyo shareecada islaamka waafaqsan oo shacabka Soomaaliyeed uu ku heshiiyay asagoo muwaafaqo ah, codkiisii kalsoonida ah uu siiyay dastuurkaas ayaa la yiraahdaa. Wasaaraddu howsheedu waxaa weeye sidii dalkaani uu u heli lahaa dastuur qaran oo shacabku leeyahay taas waa shaqada wasaarada, waxay u mareysaa wadiiqooyin fara badan yoolkaas siday u gaari laheyd wasaarada shaqadeedu waxaa waaye dalkaan in uu helo nidaam iyo kala danbeyn iyo amni, taasoo sal u ah dalka in uu helo dastuur qaranka uu leeyahay oo shacabka Soomaaliyeed rabitaankiisa ku yimaada. TFG Website: Macaali Wasiir waa maxay qorshaha wasaaradaada?
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Mudane, Madoobe Nuunow Maxamed: Qorshaha wasaaradu waxaa yahay in dalkaan loo sameeyo dastuur, dastuurkaas dhabaha loo maraayo waaye qorshaha wasaarada gudi baa jiro la yiraahdo gudiga dastuurka oo madax bannaan, gudigaas waa gudi farsamo ah, waa gudi u xil saran qoritaanka dastuurka dalka, wasaaraddana siyaasiyan waa inay hagto oo jihayso gudigaas, lana shaqeyso kana kormeerto shaqadiisa, xaririsana gudiga iyo laamaha ama qeybaha dowladda, gudiga iyo hay’addaha naga caawiyo dastuur sameynta, gudiga iyo dadka qurbo joogta ah ee Soomaaliyeed, gudiga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, una fududeyso howlihiisii uu ku hirgelin lahaa dastuurka dalka, arrintaas marka qorshaheedii sanadkii aanu soo dhaafnay howl badan baan ka qabanay, anagoo fulinayna barnaamijka xukuumada KMG ah, sanadkii hada la soo dhaafay qorshihiii u dagsanaa wasaaradda ayay qeyb ka tahay.
TFG Website: Mudane ka waran tababarada iyo safarada mararka qaar ay u baxaan gudiyada dastuurka iyo wasaarada dastuurka?
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Mudane, Madoobe Nuunow Maxamed: Gudiyada tababaradoodu aad bay u fara badan yihiin, inta badan waxaa in mudo sanad ku dhawaad ah saldhig u ahaa Nairobi, mudo hada laga joogo bil ayuu halkaa ka soo wareegay gudiga oo uu ku wareegay inuu tababarada ku qaato dalka Jabuuti, halkaas ayuu ku qaadan jiray siminaaro, dalka Uganda siminaaro ayuu sidoo kale ku qaadan jiray, dalal fara badan ayuu tagi jiray, laakiin sanadkii aanu soo dhaafnay kaliya, wuxuu safar ku tagay dalka Jarmalka, gudiga qeyb ka mid ah ayaa baxday, xubnaha baarlamaankaa ka mid ahaa oo dastuurka ku shaqada leh iyo qeyb wasaarada ka mid ah halkaas bay siminaar u tageen, wixii ka danbeeyay dalka Kenya ayey joogi jireen, magaalooyin kala duwan bay siminaaro ku soo qaateen maantana waxay u joogaan howlahaas iyaga aha dalka Jabuuti safaaradooda intii hadda la soo maray intaas bay aheyd oo la xariiray safaro shaqo iyo kulamo howleedyo loogu gogol xaaraayo dastuur sidii loo sameyn lahaa.
TFG Website: Mudane wasiir bal ka waran xiriirka ay wasaaradaadu la leedahay hay’addaha caalamiga ah ama dowladdaha caalamiga ah ee xaga dastuurka?
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Mudane, Madoobe Nuunow Maxamed: Inta badan wasaaradu waxay xiriir la leedahay hay’addaha caalamiga ah, laga soo bilaabo hay’addaha UN-ka iyo hay’addaha kale ee NGO-yada caalamiga ah, xiriirkaas aan hay’addahaas la leenahay waxaa xiriiriya hay’adda UNDP, oo group hay’addo ah oo dastuurka ku shaqo leh ayay iyadu hogaamisaa, anagana kuwaas ayaan xiriir la leenahay, waana hay’addo ka mid ah kuwa deeq bixiyayaasha, waxaa ka mid ah hay’addahaas UNPOS oo UN-ka u qaabilsan qeybta siyaasada iyo hay’addaha hada aan soo sheegay intaba, waxaa naga dhaxeeya xiriir wada shaqeyn oo aad u wanaagsan, wallow wax dhameystiran aan la heli Karin, laakiin ilaa iyo hada qorshaha ay wasaarada iyo gudigu ay dajiyeen inta badan 80% ama 85% waxaan dareen sanahay in uu u socdo sidii loogu talagalay, in ay u raacaan oo ay u fuliyaan.
TFG Website: Mudane wasiir, ka waran, wada shaqeynta wasaaradaada kala shaxeeya wasaaradaha kale ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya?
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Mudane, Madoobe Nuunow Maxamed: Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka marka howsheeda la guda galo, waxay wada saqeyn toos ah iyo mid dadban la leedahay wasaaradaha dowladda, dhamaantood, gaar ahaan sida: Wasaarada Arrimaha Gudaha, Wasaarada Qorsheynta Qaranka, Wasaarada dib u heshiisiinta, Wasaarada Maaliyada, Wasaarada Warfaafinta, oo ay wasaarada la’aantood shaqeyn karin oo ay si joogto ah xiriir shaqo uga dhaxeeyo, wasaadaha kalana oo xiriirada shaqo kala dhaxeeyo waxaa ka mid ah: Wasaarada cadaalada iyo garsoorka, Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Wasaarada kale sida: Wasaarada Haweenka, intaba waxaa kala dhaxeeya xiriiro shaqo oo mararka qaar is dhexgalo howlmaalmeedkooda, inta kalena waxay shaqo ku leeyihiin barnaamijyada wasaarada in ay horkeento golaha wasiirada, bay iyagana saameyn xoogan bay ku leeyihiin, guud ahaanba shaqooyinka golaha wasiirada waa wax isku dhex jira, kala baxa oo hadana isku soo noqda oo si joogto ah isu saameeya, wasaaradana intaas ayey ka mid tahay.
TFG Website: Mudane wasiir, ugu danbeyn maxay tahay fariintaada nabadeed ee aad u direyso shacabka Soomaaliyeed, maadaama aad tahay Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka dowladda KMG ah ee Soomaaliya?
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Mudane, Madoobe Nuunow Maxamed: Fariinta aan u diraayo shacab weynaha Soomaaliyeed, waxaa ay tahay, waad og tihiin dalkaan wuxuu xoriyadiisa qaatay 1960-kii ilaa 1969-kii kacaankii ayaa xukunka la wareegay ilaa 21 sano kacaanka ayaa maamulayay si kastaba ha ahaatee karaamada shacabka Soomaaliyeed, waxay aheyd mid aad u sareyso caalamku aqoonsan yahay dowladdaha faro ku tiriska ah oo ugu muhiimsan ayay ka mid ahaan jirtay dowladdeena Soomaaliya ama ummaddeena Soomaaliya maamuus iyo sharaf bay caalamka iyo gobalkaba ku lahaayeen. Hase yeeshee 20-kaan sano waxaan ku jirnaa karaamo beel iyo magac xumo badan baan ku jirnaa arrintaas waxaan dhihi lahaa shacabka Soomaaliyeed in sharaftiisii iyo karaamadiisii iyo haybadiisii uu soo ceshado oo uu u horseedo nidaam iyo kala danbeyn sidii uu dalkaan u heli lahaa nidaamka iyo kala danbeynta waxaa hormuud u ah dowladnimo, dowladnimo in la helo ayaa hormuud u ah marka in dowladda laga taageero dhinaca siyaasada, dhinaca dhaqaalaha, dhinaca bulshada, dhinaca amniga, dib u heshiisiinta iyo midnimada, dhinaca midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo wada jirkeedii. Qeyb kasta ha ahaatee shacabka ayaan weydiisanaynaa meelkasta uu joogo taageero, waayo dowlad la’aan waa nidaam la’aan nidaam la’aanna sida hadda aan ku jirnay 20 kaan sano ayay dhexlaysaa taasna dan uma aha shacabka Soomaaliyeed qeybahiisa kala duwan wax nidaam iyo kala danbeyn lagu waayayna ma lagu helaayo fowdo, haddii ay wax dhalayso 20-kii sano ayaa faa’iideeda la heli lahaa cid qori iyo awood sheegasho ku guuleysatay oo maanta maggac iyo mansab ku gaartayna ma jirto sidaas darteedna in la is daba qabto oo dib u heshiisiinta la qaato oo dowladda la taageero. Dowladdaan waa mid ogol talada shacabka, Siyaasiyiinta, culamaa’udiinka in ay qaadato, waa dowlad u dhaga nugul shacabkeeda marka maadaama iyadaba u dhaga nugushahay waxaa loo baahan yahay in la toos toosiyo in la kabo in lala taliyo si nidaam loo helo nidaam marka la helo dalkaan waxaa ka dhalanayo ama laga furayaa haddii alle idmo waqtiyo aan saas u sii fogeyn xisbiyo badan baa la furi doonaa xisbiyadaas marka la furo muwaadin kasta oo Soomaaliyeed hadduu yahay muwaadin nadiif ah, nin caaqil ah, nin cilmi leh, nin maal qabeen ah, iyo haduu yahay nin ilaahiisa u dhow intaba shacabka ayagaa kala xulan doona ayagaa awoodooda ku dooran doona aygaa codkooda siin doona kaasaa hogaamin doona dalkaan marka inta taas laga gaaraayo dadka iyo dalka Soomaaliyeed hiil buu u baahan yahay. Shacabka Soomaaliyeed waxaan weydiisanaynaa magaca dowladda aan ku weydiisanaynaa in shacabka loo hiiliyo dadka qaar baa yiraahda mucaaradka dowladda wax mucaarad dowlad ah ma jiraan xilligaan, waxaa jiro mucaarad qaran, mucaaradka dadka shacabka baa jira, mucaaradka diintaa jira, mucaaradka wadaniyadaa jira mucaaradka karaamada ummadda Soomaaliyeed baa jira marka mucaaradow hadaad rabto hogaamin wax na deeqa waa yaalan dalkaan in loo horseedo in uu nidaam helo nidaamkana kala duwaya kala deeqaya cadaalada shacabkaa sooraya taas aan gaarsiino dalka iyo dadka Soomaaliyeed marka waxaan rajeynayaa in arrintaas ay tahay inta wanaaga jecel u hiilisa nidaamka iyo dowladnimada in arrintaas aan ka helno jawaab waafi ah oo dowladda lagu saacidaayo intaasbaan shacabka u jeedinayaa wabilaahi towfiiq.
Wareysi Qaade: Mahad Maxamed Sheekh (Istiila) Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho Si aad u akhrido: Habraaca diyaarinta iyo qoraalka dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya... Halkaan ku dhufo Wasaaradaha Kale
|
||||||||||||||||||||||||||||||||
|