Xulo Luuqaddaada: Somali  |   English  
   Raadi:  
War Saxaafadeed  |  Nagala Soo Xidhiid  

Dowladda Federaalka Kumeel-Gaarka (DFKMG) ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Dowladda Soomaaliyeed ee waqti xaadirkaan adduunyadu aqoonsantahay.

 

Sii aqri

> Home
> Madaxweynaha
> Ra'iisul wasaaraha
> Baarlamaanka
> Maqalka & Fiidiyowyada
> Wararkii ugu dambeeyay
> Xidhiidhada Muhiimka ah
> War Saxaafadeed
> Weydii Dowladda
> Nagala Soo Xiriir


AXDIGA KU MEELGAARKA AH
DASTUURKA



Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin

Munaa Sabadaha soo Socda

Wareysi Waxqabadka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

TFG Website: Sacaadatul Safiir, Waxaad inooga warantaa xiliga safaraaddaan la furay iyo howlaha ay qabatay?

 

Safiir Maxamed Cali Nuur (Ameeriko): Safaaraddaan waxaa la furay xilligii dowladda KMG ah ay u wareegtay Soomaaliya 2005-tii, aniga waxaa Safiir ahaan la ii magacaabay Officially 2007-dii oo aan waraaqaha aqoonsiga u geystay madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, sababtana waxay aheyd safaaraddan oo aheyd mid muhiim ah, Kenya oo ay degan yihiin qaxootiga ugu faraha badan iyo ganacsato iyo arday fara badan, hay’addaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo xafiisyadooda uga furtay Nairobi.

 

TFG Website: Sacaadatul Safiir, Howlaha ay qabato safaaraddaani maxay tahay?

 

Safiir Maxamed Cali Nuur (Ameeriko): Howlaha Safaarada aad bay u fara badan yihiin  safaaradu waxay u furan tahay dadka Soomaaliyeed, waxay ka shaqeynaysaa sidii ay dhibaatooyinkooda wax uga qaban laheyd halkaan waxaa ku sugan dad Soomaaliyeed oo isugu jira qaxooti, ganacsato, arday iyo dad Soomaaliyeed oo halkaan soo mara, qaas ahaan halkaan waxaa degan hay’addaha u qaabilsan Qaramada Midoobay Soomaaliya sidaad og tahay waxaan halkaan ku soo dhaweynaa mas’uuliyiinta dowladda ugu sar sareysa oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha, Wasiirada iyo Xildhibaanada, waxaana 24 saac u soo jeednaa sidii ay shaqooyinkaas aan u qaban laheyn, waxaan sidoo kale halkaan ku soo dhaweynaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda ee siminaarada u soo aada.

 

TFG Website: Sacaadatul Safiir, Meeqa xafiis ayay ka kooban tahay Safaaraddu?

 

Safiir Maxamed Cali Nuur (Ameeriko): Safaaraddaani waxay ka kooban tahay xafiiska qunsuliyada, kan Imigration-ka ee ah qeybta Baasaboorada bixisa ee ah Safaaraddii ugu horeysay ee Baasaboor bixisa, waxaan leenahay xafiis u qaabilsan baratakoolka iyo soo dhaweynta, waxaana leenahay sidoo kale xafiiska ganacsiga iyo xafiiska qeybta Militariga.

 

TFG Website: Sideed wax ugu qabataan Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya, haddey ahaan laheyd Qaxooti ama Ganacsato amaba dadka kale ee hey’addaha la shaqeeya?

 

Safiir Maxamed Cali Nuur (Ameeriko): Waxyaabaha aan qabano aad bay u badan yihiin in kastoo aan dadaalayno ma dhihi karno 100% wax badan baan qabanay, laakiin bar yahaan waxaa yaraaday qabqabashadii dadka lagu hayay, waxaana ka shaqeynaynaa sidii gabi ahaanba loo joojin lahaa, waxaanu gacansiinay oo aanu ka shaqeynay sanad ka hor oo aan lacago u aruurinay qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhoobley ku sugan, waxaan soo booqanay xeryaha qaxootiga ee dhadhaab oo aan rabnay in aan u kuurgalo xaaladdooda, haddana aan ka soo qaadnay warbixino fara badan oo aan halkan Nairobi  u imid  in aan ka shaqeyno sidii dadkaas wax badan loogu qaban lahaa, sidii dhul kale oo ay dagaan loogu heli lahaa, ardaydana aan buugaag iyo waxyaabo kale ugu geyn lahaa.

 

TFG Website: Ugu danbeyntii maxay tahay fariinta aad u direysid shacabka Soomaaliyeed ee ku dhageysanaya ama kaa aqrisanaya Website-ka dowladda?

 

Safiir Maxamed Cali Nuur (Ameeriko): Hadaan ku hor maro qaxootiga Soomaaliyeed eek u dhaqan Kenya, maraan booqasho ku tagey xeryaha qaxootiga, waxaa halkaas kula kulmay haween Soomaaliyeed, kuwaasoo qaadayay buraanburo ay ku muujinayeen dareenkooda iyagoo ku qeylinaayay Nabad,... Nabad,... Nabad,... marka waxaan u sheegayaa dadka inaan nabadda ka wada shaqeyno, dadkaas masaakiinta ah ee kor u dhaafaya 3,500 aan ka wada shaqeyno sidii ay dib ugu laaban lahaayeen guryahoodii aana gacmaha isawada qabsano, aan heshiino, ilaahna uu na waafajiyo, isna cafino.

 

Wareysi Qaade: Mahad Maxamed Sheekh (Istiila)

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho


Munaa Sabadaha Kale
  1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin
Sunday 01 August 2010 10:49 AM
  Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalk...
Sii aqri
Sunday 01 August 2010 10:33 AM
  Shirkii Isbahaysiga Sanca oo m...
Sii aqri
Sunday 01 August 2010 10:25 AM
  Wasiirka warfaafinta Soomaaliy...
Sii aqri




Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Wasaaradda Horumarinta Haweenka & Daryeelka Qoyska
Wasaaradda Hurumarinta Reer miyiga
Wasaaradda Warfaafinta
Wasaaradda Caafimaadka
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
Wasaarado Badan
Home  |  Madaxweynaha  |  Ra'iisul wasaaraha  |  Baarlamaanka  |  Maqalka & Fiidiyowyada  |  Wararkii ugu dambeeyay
Xidhiidhada Muhiimka ah  |  War Saxaafadeed  |  Weydii Dowadda  |  Nagala Soo Xidhiid  |  Barta ShaqaalahaAdministrator

©Copyright 2009.All Rights Reserved