Wasiirka ganacsiga xukuumadda Soomaaliya oo ka warbixiyay safaro uu ku tagey dalal dibada ah iyo heshiisyo ganacsi oo uu la soo galey dalalkaas. Friday 19 March 2010 05:46 PM
Muqdisho, (TFG): Wasiirka ganacsiga xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, mudane C/rashiid Maxamed Cabdi (Ciro), ayaa sheegay in heshiis canshuur dhimis ah ay la galeen dowladdaha Shiinaha iyo Hindiya.
Wasiirka ganacsiga ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, mudane C/rashiid Maxamed Cabdi, oo u waramaayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in ay heshiisyo dhinacyada ganacsiga ah la soo saxiixdeen dalalka Shiinaha iyo Hindiya, kuwaasoo ku saabsan in canshuurta laga dhaafo badeecada laga keeno dalalkaas iyo kuwa ganacsatada Soomaaliyeed ay wadamadaas u iibgeeyaan.
Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda ay canshuurta ka dhaafi doonaan waxyaabaha ceyriin ee loo dhoofinayo dalalkaas ee dib loo soo farsameynayo ee loo taqaano (Row Material), wuxuuna sheeagay in arrintani ay ganacsatada Soomaaliyeed u fududeynayso sidii ay ganacsigooda u sii horumarin lahaayeen, maadaama loo fududeeyay canshuurihii uu inta badan qarashku uga bixi jirey.
Wasiirka ganacsiga mudane C/rashiid Maxamed Cabdi, ayaa waxaa uu sheegay in baddeecadahaasi ay ka mid yihiin: Gawaarida iyo Matoorada, kuwaasoo ganacsatada Soomaaliyeed, ay ka soo dhoofsato dalalkaas, dalka Shiinaha oo kaliya ayaa u dhoofiya 765 ton oo alaab ah oo ay ugu yar tahay Cirbadda ugana weyn yihiin Matoorada iyo Gawaarida, halka dalka Hindiya uu isna u dhoofiyto ilaa 460, waxaana labadaasi dal ay yihiin dalalka ugu badan ee ay ganacsatada Soomaaliyeed wax kala soo dagaan, tan iyo burburkii dalka.
Mudane C/rashiid Cirro, ayaa sidoo kale sheegay in arrintani ay faa’iido weyn u leedahay ganacsatada Soomaaliyeed, maadaama waqtiyadii ugu dambeeyay uu kor u sii kacayay ganacsiga Soomaaliya, oo uu ku baahay wadamo badan oo Caalamka ka mid ah, wuxuuna sheegay in uu aad uga xun yahay xaaladda ammaan darri ee ka jirta gudaha dalka, isagoo sheegay in hadii xal loo heli lahaa amaanka dalka ay immaan lahaayeen shirkado waaweyn oo dalka ka hirgaliya mashaariic horumarineed, si dadku ay uga faa’iidaystaan kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira dalka, taas oo wax ka tari lahayd kor u kaca dhaqaalaha dalka.