Wasiirka jaaliyadaha dibada oo ka warbixiyay sharciga ay u sameynayaan jaaliyadaha dalalka dibada. Friday 19 March 2010 03:46 PM
London, (TFG): Wasiirka jaaliyadaha dibada mudane C/laahi Axmed Cabdule (Azhari), ayaa sheegay in ay shuruuc gaar ah u sameynayaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dibada.
Wasiirka jaaliyadaha dibada mudane C/laahi Axmed Cabdule, oo ka mid ahaa wafdigii uu Madaxweyne Shariif hogaaminayay, ayaa uga haray wafdiga sidii uu wax weyn uga qaban lahaa xaaladda jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibada gaar ahaan jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska.
Wasiirka, oo u waramaayay saxaafadda gudaha, ayaa sheegay in uu dalka Ingiriiska, u joogo sidii uu uga shaqeyn lahaa isku xirka iyo wanaajinta xiriirka iyo wada shaqeynta jaaliyadaha ku nool halkaas, wuxuuna sheegay in ay doonayaan in dalka Ingiriisku, uu saldhig u noqon jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibada.
C/laahi Axmed Cabdule, ayaa intaa ku darey in sharciga ay u sameynayaan jaaliyadaha, uu ku saleysan yahay diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ayna u xilsaareen Guddi tekniko ah oo ka shaqeeya sharcigaas, kuwaasoo ay la shaqeyn doonaan aqoon yahano Soomaali ah iyo dad dhaqanka Soomaalida si wanaagsan u yaqaaana, si ay uga caawiyaan Gudigaas dhinacyada dhaqanka iyo diinta.
Wasiirka jaaliyadaha dibada C/laahi Axmed Cabdule, ayaa sidoo kale sheegay in uu kala tashanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska, si shakiga uu uga baxo oo aysan u qaadan in loo jeedo shaqsiyaadka maamula Ururada yar yar ee ka shaqeeya isfahamsiinta iyo u adeegida dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in uu la kulmay intooda badan uuna la kulmi doono inta u hartey, uuna gaari doono, dalalkale oo ka baxsan dalka Ingiriiska sida dalalka Holand iyo Malta.