Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Jabuuti oo kulan yeeshay. Thursday 11 March 2010 05:07 PM
Jabuuti, (TFG): Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka qeybgaley kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Jabuuti.
Kulankan, oo ku saabsanaa horumarinta ganacsiga iyo ka qeybqaadashada nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya, oo ka furmary hotel ku yaala magaalada Jabuuti, oo socon doona mudo saddex maalmood ah, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Ganacsato ka kala timid guud ahaan gobalada dalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo shirkaas lagu casuumay.
Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo furitaankii kulankaas hadal ka jeediyay, ayaa ugu horey amaan u soo jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed, wuxuuna u sheegay in la joogo waqtigii ay nabada u hiilin lahaayeen, loona baahan yahay in ay nabada dhiiri geliyaan, kuna dadaalaan sidii dalku u heli lahaa nabad.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed loo fasaxay wixii hada ka danbeeya inay maalgashi ku sameysan karaan dalka Jabuuti, taasoo ay soo dhaweeyeen xubnihii ganacsatada ahaa ee kulankaas ka soo qeybgaley.
Ganacsatada, ayaa soo dhaweynta ay soo dhaweeyeen fasaxa loo fasaxay in ay maal gashan karaan jamhuuriyada dalka Jabuuti, waxay sidoo kale soo dhaweeyeen talada uu Madaxweynuhu siiyay oo aheyd in ay la joogo waqtigii nabada ay u hiilin lahaayeen ayna ku dadaali doonaan arrintaas.
Kulankan, ayaa ah kii labaad oo ay yeeshaan ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Jabuuti, waxaana kulaankaasi la filayaa in ganacsatadu wax badan ka badali doonaan habka ay u wada shaqeeyaan iyo isku xirnaantooda, ayna gacan weyn ka geysan doonaan dib u soo celinta sharaftii dalku lahaa.