Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in aan loo dulqaadan in Dalka iyo Dadka ay Wakiil ka noqdaan Kooxo argagixiso ah oo dhibaato ku haya Shacabka Soomaaliyeed. Sunday 01 August 2010 10:09 AM
Muqdisho, (TFG): Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin in ay dalka si xor ah ugu noolaadaan soo duulayaal Ajaaniib ah, islamarkaana ay Al Shabaab iyo Al Qaacida Wakiil shacbiga Soomaaliyeed uga noqdaan Diinta Islaamka oo xili hore soo gaartay umada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in Kooxo banaystay Hantida Shacabka Soomaaliyeed, Kufsiga, Jirdilka Qof Islaam ah iyo Banaysashada Dhiiga Islaamka aan lagu sheegi karin dad Islaam ah oo jecel Diintooda.
Madaxweynaha ayaa intaa ku darray in aan loo dulqaadan doonin in si nabad ah ay dalka ugu noolaadaan dad shisheeye ah oo dalalkoodii uga soo cararay fal danbeyeedyo ay ka soo gaysteen iyo kooxo isku sheegay in ay Soomaali yihiin oo ku soo casuumay dalka, kuwaasoo dhibaato xoogan ku haya dadka Soomaaliyeed oo marba deegaan ka soo barakicinaya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in aan dadka Soomaaliyeed lagu fiirsan Karin Kooxo aan u diirnaxayn Umada Soomaaliyeed oo uusan ku jirin Damiir Soomaalinimo, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha isqabsadaan iskana dhiciyaan Kooxahan ku hurinaya Colaaddaha oo ku soo gabanaya Diinta Islaamka.