Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankii Mudanayaasha Baarlamaanka ka sheegay in Xukuumaddu hor imaan doonto Baarlamaanka si cod loogu qaado. Saturday 31 July 2010 06:42 PM
Muqdisho, (TFG): Guddoonka Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ay hor imaantood Baarlamaanka maalinta barito ah si loogu qaado Codka kalsoonida ah.
Kulankii ay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay ku lahaayeen madasha kulanku uu ka socday ee Xarunta Golaha Shacbiga ayaa intii uusan furmin ka hor waxaa madasha kulanka ka hadlay Ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna Ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka mudane C/weli Ibraahim Sh. Muudeey, wuxuuna sheegay in uu jiray Mooshin ay Xubno ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ka keeneen xukuumada KMG ah ee Soomaaliya, kaasoo lagu sugayay in Xukuumaddu Jawaab ka soo bixiso, wuxuuna sheegay in Xukuumaddu fariin qoraal ah soo dirtay, islamarkaana ay Baarlamaanka hor imaan doonto maalinta Bari ah oo ay Taariikhdu tahay 01-da Bisha August, 2010-ka, taasoo ku beegan maalinimada bari ah.
Ku Simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Ku xigeenka koowaad mudane C/weli Ibraahim Sh. Muudeey ayaa intaa ku daray in ka maamul ahaan ay iyagu ka warhayeen Howlaha ay haysay Xukuumadda KMG ah, islamarkaana ay Xukuumaddu hor imaanayso Baarlamaanka si ay Xildhibaanadu go’aan uga gaaraan sidii loo siin lahaa Codka kalsoonida ah, waxaana intaasi kadib la gudo galay Doodii ay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ka lahaayeen Xeer Hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo markii horaba ahaa Ajandaha laga doodayay, waxaana intii ay socotay doodaasi ay Mudanayaal fara badan ka dhiibteen Fikirkooda iyo Aragtiyadooda kala duwan.
Qodobka ay Mudanayaasha Baarlamaanku uga doodayeen kulankooda ayaa ahaa Qodobka 13 aad ee Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ahaa Xilwaayida Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeenadiisa, islamarkaana Doodii ay Mudanayaashu ka doodayeen Qodobkaas ayaa sii daba dheeraatay waxaana Mudanayaasha Baarlamaanka qaarkood ay soo jeediyeen arrimo fara badan, maadaama ay ahayd farqada aadka looga dooday Yaa Ka keeni kara Guddoonka Mooshin, taasoo uu Guddigu soo bandhigay in Afar meelood ¼ Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay ka keeni karto Mooshin, taasoo u dhiganta 137 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana dib loogu codeyn karo oo uu codka ku heli karo 51% oo ah 276 Xubnood.
Qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay maadaama ay waagii horay inta aan Baarlamaanka la kordhin ay ahayd tiradda Mudanayaasha Mooshinka keeni kara 25 xubnood lagu kordhiyo 5 xubnood si ay u noqdaan 30 xubnood maadaama ay korortay tiradda Mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya oo ay haatan tahay 550 xubnood, iyadoo Guddoonku uu ku dadaalayo sidii wax la isku waafaqsan yahay loo heli lahaa
Mudanayaashii aragtidooda ka dhiibtay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah mudane C/raxmaan C/shakuur Warsame islamarkaana ah xiligan Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan arrinta la siyaasadeynin oo la dhigo mid Xeer loogu dajinayo shacbiga Soomaaliyeed.