Madaxweynaha Soomaaliya oo ka warbixiyay waxyaabihii uga qabsoomay Socdaaladii uu ku kala bixiyay dalal ka tirsan Afrika iyo Yurub. Saturday 31 July 2010 05:38 PM
Muqdisho, (TFG): Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Wafdigii uu hogaaminayay oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii uga qabsoomay socdaalkii ay ku tageen Shan wadan oo Caalamka ka tirsan isuguna jiray Afrika iyo Yurub.
Kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ay ka soo degeen garoonka Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu Madaxweynuhu ka warbixiyay socdaaladii uu ku tagay Qaar ka mid ah wadamada Caalamka, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dalalka Masar, Talyaaniga, Chad, Uganda iyo Kenya iyo Natiijadii uga soo baxday Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in dhamaan kulamadaasi iyo Shirarkii ay kaga soo qeybgaleen wadanka Dibadiisa ay ahaayeen kuwo ku soo gabagaboobay Guul, wuxuuna sheegay in Beesha Caalamku ay diyaar u tahay taageero dhab ah oo la siiyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya, hase ahaatee loo baahan yahay in dhamaan laga wada faa’iideysto dadaalka ku aadan daganaashaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa intaa kud array in dhibaatada Soomaaliya ay soo jirtay tan iyo burburkii dalka, islamarkaana looga bixi karo hadii la helo Dowlad iyo Umad Soomaaliyeed oo mideysan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in wax lagu farxo ay tahay in Xukuumada, Baarlamaan iyo Dowladdu si wadajir ah isula shaqeynaya kadib khudbad uu u jeediyay Qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in Baarlamanku uu yahay Hay’adda ugu sareysa dalka hadii uu wanaagsanaadana ay dowladdu dhamaanteed dhaxli doonto wanaagaas, isagoo sheegay in muhiimadu tahay in la muujiyo dadaal dheeraad ah si looga guulgaaro hadafka markii horaba loo dhaartay oo ah in Umada dhibaatada laga saaro, loona baahan yahay in la iscaawiyo iyadoo mid walba uu waajibkiisa gudanaayo.
Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa dhanka kale khudbadiisa ku soo hadal qaaday kooxaha dowladnimada diidan ee shaar diimeedka wata, kuwaasoo had iyo jeer dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in Qofwalba uu guto waajibaadka Qaran ee saaran si Bulshada dhibaatada looga saaro.