Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo Safaro ku soo kala bixinaayay dalal dhowr ah ayaa soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Friday 30 July 2010 11:31 AM
Nairobi, (TFG): Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa booqosha rasmi ah ku tagay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya iyaga oo ka soo kicitimay gegida diyaaradaha ee Ntebe ee caasimada dalka Uganda ee Kampala.
Booqashada Madaxweynaha oo qaadan doonta mudo laba maalmood ah ayaa waxa uu la kulmi doonaa Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Nairobi iyo Mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxa horay booqosho ugu soo kala bixiyeen wadamada Masar, Talyaaniga,Chad iyo dalka Uganda oo ay uga qeyb galeen shirkii wadamada Xeeb iyo Lama dagaan iyo kii MIdowga Afrika ee ka kala dhacay magaalooyinka Njeimina iyo Kampala ee caasimadaha dalalka Chad iyoi Uganda.