Dowladda Senegal oo sheegtay in ay Ciidamo u soo dirayso dalka Soomaaliya. Wednesday 28 July 2010 11:32 AM
Kampala, (TFG): Dowlada Senegal ayaa sheegtay in ay Ciidamo u direyso dalka Soomaliya hadii Midowga Afrika uu weydiisto in ay ka qeyb qaataan howlgalka AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowlada Sinigqaal Abdoulaye Wade oo u waramaayay wakaaladda wararka shiinaha ee Xhinua ayaa Sheegay in dalkiisa uu Ciidamo u dirayo dalka Soomaliya hadii ay Midowga Afrika weydiistaan in uu ka qeybqaato howlaha Ciidamo u dirista dalka Soomaliya.
“hadii ay Midowga Africa weydiistaan in Sinigaal ay Ciidamo u dirto Soomaliya weynu Sameyneynaa Arinkaasi “ ayuu yiri Madaxweyne Abdoulaye Wade oo la hadlaayay Wakaaladda wararka u faafisa dalka Shiinaha ee Xhinua isagoo ku sugan madasha uu Shirku ka socdo ee magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.
Madaxda Midowga Afrika ee ka qeybgashay shir Madaxeedaka lagu soo gabagabeeyay magaalada Kambala ayaa ka dooday in la kordhiyo Ciidamada AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya iyo in wax laga bedelo hanaanka ay ku howlgalaan Ciidamadaas.
Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Mr. Jean Ping oo isna dhawaan la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Dowlada Geni ay diyaar u tahay in ay u dirto dalka Soomaaliya hal battalion oo ka tirsan Ciidamadeeda si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in lagama maarmaan ay tahay in Ciidamadaas Nabad dhaliyayaal loo bedelo si u soo celiyaan Nabaddii iyo xasiloonidii ka jirtay dalka Soomaliya.