Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka badda oo sheegay in ay qasab tahay in dalka laga tirtiro Kooxda Shabaab. Monday 26 July 2010 04:09 PM
Muqdisho, (TFG): Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qasab tahay in dalka laga tirtiro Kooxda Al shabaab ee diiday Nabada Soomaaliya, islamarkaana Afrika ay xaq u leedahay tirtirida Maleeshiyada Al shabaab.
Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka gaadiidka badda iyo dekaddaha xukuumada KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo u waramaayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab laga tirtiro guud ahaan dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Kooxdaasi ay xiriir dhow la leedahay Ururka Al-qaacida, islamarkaana ay ku xadgudubtay Diinta Islaamka.
Ra’isal wasaare ku xigeenka ayaa intaa ku daray in Wadamada Afrika ay xaq u leeyihiin in ay ka qeybqaataan sidii looga hortagi lahaa Qatarta ka dhalata dhibaatada ay Kooxda Shabaab ka abuurtay guud ahaan dalka Soomaaliya iyo Wadamada Caalamka, isagoo sheegay in ay horay ucadaysteen in ay duulaan ku yihiin guud ahaan Caalamka sidaasi darteedna aysan jirin sabab looga baaqsado in la ciribtiro Kooxdaas.
Mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la iska qabto kuwa ay maanka ka xadeen ee ay ku shaqaystaan kooxdaasi wixii diida in ay ka waantoobaan falalka ay ku jiraan, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in dalalka Caalamku ay Ciidamo u soo diraan dalka Soomaaliya si ay u caawiyaan dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la dhiso Ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh si ay ugala wareegaan Amaanka guud ee dalka Ciidamada ka socda Aduunka ee caawinaya dowladda Soomaaliya.
Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka gaadiidka badda iyo dekaddaha xukuumada KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur ayaa dhanka kale sheegay in ay qorsha ugu jirto sidii dib loogu soo celin lahaa Maamulka Dekaddaha Soomaaliya dekaddaha kale ee ay ku sugan yihiin Kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Dowladdu ka go’an tahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo celiso amaanka guud ee Dalka.