Midowga Afrika oo ka digay saameynta ay yeelan doonto dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya hadii uusan Aduunku u istaagin wax ka qabashadeeda. Sunday 25 July 2010 05:43 PM
Kambala, (TFG): Midowga Africa ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta dalka soomaaliya ay saameyn doonto guud ahaan wadamada caalamka hadii aanay aduunku ka qeybqaadan wax ka qabashada xaaladda soomaaliya.
Jean Bean Gudoomiyaha gudiga Midowga Africa oo isagoo ku sugan magaalada Kambala ee caasimadda wadanka Ugandha oo u waramay Tv-ga Aljazeera ayaa sheegay in dhibaatada Soomaaliya ay ku hayaan maleeshiyada shabab ay tahay mid aad u adag oo saamayn adag ku yeelatay noloshada shacabka Soomaalyeed.
Waxa uu sheegay in hadii aan beesha caalamka aysan si deg deg ah wax uga qaban islamarkaana aan laga hortagi khatartaas ay noqondoonto mid ku wajahan aduunka intiiisa kale oo aysan Soomaalya ku ekaandoonin.
Mr Bean ayaa ku warmay in la soo gaaray xiligii loo midoobi lahaa la daagalanka kooxda shabaab si looga adkaadana loo baahan yahay in la’is tuso mas’uuliyadda ku aadan in kooxdaas laga qabto ummadda ku nool qaaradda Africa hadii kale aduunyadu arki doonoto dhibaatadeeda.
Urur Gobeelda IGAD oo ay Soomaalya xubin ka tahay ayaa sidoo kale Midowga Africa ugu baaqay in ciidamda nabad ilaalinta ee ku sugan wadanka Soomaalya loo badalo kuwa nabad dhaliyayal ah taasna ay tahay wadada kaliya ee lagu gaari karo xalka Soomaaliya.