Shirkii wasiirada arrimaha dibada ee wadamada Afrika oo lagu wado in lagu soo gabagabeeyo magaalada kambala ee xarunta dalka Uganda. Saturday 24 July 2010 06:38 PM
Kambala, (TFG): Magaalada Kambala ee Caasimada dalka Ugandha ayaa lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo shirka Wasiirada arimaha dibada wadamada Africa, kaasoo ay ka qeyb galeen wafdi uu hor kacayo Wasiirka arimaha dibada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Kulanka Wasiirada arimaha dibadda ee wadamada Midowga Africa oo labadii maalin ee la soo dhaafay uga soconayay magaalada loo dalxiis tago Muyeyoonyo ee nawaaxiga Caasimadda dalka Ugandha ee kambala ayaa maanta la filayo in la soo geba gebeeyo .
Shirka oo soo billaawday 22-ki bishan ayaa waxaa ka qayb galalaya inta badan wariirada arimaha dibadda ee wadamada xubanaha ka ah Midowga Africa.
Wasiirada ayaa shirkooda diiradda ku saaraya arimo ay ugu horrayso ammaanka dalka Soomaaliya iyo kororka kooxaha argagaxisada xiriirka la leh ee degenaansho la’aanta ku haya shacabka ku nool dhamaan gobolka geeska Africa.
Soomalaya ayaa waxaa kulanka u matalayay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka umuuraha dibadda Yuusuf Xasan Ibraahim Yuusuf Dheg iyo Wasiirka difaaca Abuuker Cabdi Cismaan Mardaadi, kuwaas oo soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Sooamaliya ay lagama maarmaan ugu tahay in xal soo degdega loo helo dhibaatada argagaxisadu ay hurinayso.