Kambala, (TFG): Dowladda Geni ayaa sheegtay in ay ciidammo nabad ilaalineed u soo direyso Somaliya, si ay qeyb uga noqdaan ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya.
Warkan waxaa xaqiijiyay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Jean Ping oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Kampala.
Ping waxa uu tilmaamay in dowladda Gini ay ballan qaadday in ay hal guuto oo ciidammo ah sida ugu dhaqsaha badan ugu soo diri doonto dalka Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan ciidammada nabad ilaalineed ee AMISOM.
Waxa uu yiri "Waxaan rajeyneynaa in aan soo dhammeys tirno ciidammadii horay loo yaboohay oo gaarayay ilaa 8-da kun oo askari, waxaan kaloo rajeyneynaa in ballan qaadka cusub ee Geni uu ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya loo diarayo gaarsiiyo ilaa 10 kun oo askari.
Sidoo kale waxaa jira afar dowladood oo Afrikaan ah oo saraakiil ciidan oo sahan ah u soo diray dalka Soomaaliya, si ay ugu kuur galaan xaaladda ayna u ogaadaan suurto galnimada in ay qeyb ka noqdaan ciidammada nabad ilaalineed ka howl galaya Soomaaliya.
Taliyaha ciidammada dhulka ee dalka Uganda Edward Katumba Wamala, oo la hadlayay guddiga difaaca ee Baarlamaanka dalka Ugand ayaa sheegay in dowladaha Nigeria, Gana, Senigal iyo Zambia ay saraakiil ciidan u direen Soomaaliya ayna haatan garowsadeen in ay lagama maarmaan tahay in ay ka qeyb qaataan howsha nabad ilaalineed ee ka socda dalka Soomaaliya.
Dowlladda Mareykanka ayaa iyana sheegtay in ay diyaar u tahay in ay taageerto ciidammada Midowga Afrika ee ka howl galaya Soomaaliya, iyadoo intaa ku daray in ay suurto gal tahay in uu sii baahaan howlaha kharbudaadda ah ee ay ku kacayaan kooxaha xag jira ee ka dagaallamaya Soomaaliya sidaasi darteedna loo baahan yahay in laga hortago.
Wasaarada Warfaafinta, Muqdisho