Muqdisho, (TFG): Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal xalay ilaa saaka ay ciidamada Dowladu ka fuliyeen degmooyin ka mid ah Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Ciidamada Booliiska Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Gaashaanle sare C/llaahi Xasan Bariise oo saaka u waramayaywarbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira Booliis iyo Meleteri ay xalay ilaa saaka howlgal lagu sugayo Amaanka ay ka fuliyeen xaafado ka mid ah degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Ciidamada Dowladu ay gacanta ku soo dhigeen ilaa 20-qofood oo looga shakiyay in ay ka mid yihiin kooxaha Ammaandarida ka wada xaafadahaasi, kuwaas oo haatan ay ciidamadu Su’aalo weydiinayaan.
Afhayeenka ayaa xusay in Ciidamadu ay qabqabteen tiro dad ah intii lagu guda jiray howlgalkaasi kuwaas oo la sii daayay kadib markii lagu waayay wax danbi ah .
G/sare C/laahi Xasan Bariise ayaa xusay in howlgalkan uu qeyb ka yahay howlgalo nabada lagu sugayo oo maalnihii la soo dhaafay ay ciidamada Dowladu ka wadeen magaalada Muqdisho, kaasoo lagula dagaalamayay kooxaha labisan dareeska ciidamada ee Amaandarida ka wadda Magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah si loo xaqiijiyo Amaanka Deegaanada ay gacanta ku heeyso Dowlada KMG ah.
Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho