Wasiiradda arrimaha dibada dalalka Afrika oo kulan loogu gogol xaarayo Madaxda Dalalka Afrika ku leh magaalada Kampala ee xarunta dalk Uganda. Thursday 22 July 2010 05:07 PM
Kampala, (TFG): Wasiirada arrimaha dibada ee wadamada Midowga Afrika ayaa kulan loogu gogol xaarayo Shirka Madaxweynayaasha Afrika ee ka dhacaya dabayaaqada Bishan magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ku yeelanaya isla magaaladaasi.
Kulankan ay isugu iaanayaan Wasiirada arrimaha dibada wadamada ku jira Ururka Midowga Afrika, islamarkaana hordhac u ah kulan kale oo ay Hogaamiyayaasha Afrika uga furmi doona dabayaaqada Bishan magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ayaa waxaa uu marka hore Qorshuhu ahaa in Ajanadooyinka ugu waa weyn ee Shirku uu noqdo arrimo ay ka mid yihiin Hooyada iyo Dhalaanka Afrika, hase ahaatee Warar kale oo laga helay Shirka ayaa sheegaya in Ajandooyinka ugu waa weyn ee looga hadlayo Shirka ay noqon doonaan xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya iyo saameynta ay yeesheen Qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganada.
Safiika soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Sayid Axmed Sh.Daahir oo u waramaayay warbaahinta ayaa sheegay in shirka uu furmay abaara tobankii barqonimo saacada magaalada kambaala, wuxuuna sheegay in inta badan wasiiradda arrimaha dibada dalalka afrika ay kulankaasi ka soo qeybgaleen, wuxuuna sheegay marka laga soot ago dhanka siyaasada in shirku uu ku saabsanaan doonaan arrimo ay ka mid tahay caafimaadka haweenka iyo dhalaanka, wuxuuna sheegay in uu socon doono ilaa 27-da bishan, isagoo sheegay in ay Soomaaliya ay shirka uga soo qeybgeli doonaan madaxweynaha dalka soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo iyadoo uu wasiirka arrimaha dibada horay u joogay shirka.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saarayaa sidii loo wajahi lahaa Weerarada ay Kooxaha Argagixisada ah ka wadaan Soomaaliya si aysan ugu gudbin wadamada kale ee dariska la ah Soomaaliya iyo Afrika inteeda kale, iyadoo Shirka sidoo kale la iskula soo qaadi doono Howlgalada ay Ciidamada Midowga Afrika ka wadaan Soomaaliya iyo Qaabka ay noqonayaan, maadaama ay korortay Weerarada iyo Qaababka ay adeegsadanayaan Kooxaha Argagixisada ah ee xiriirka dhow la leh Ururka Al-Qaacida islamarkaana xasaraddaha ka wada wadanka Soomaaliya iyo wadamada kale ee Bariga Afrika sida Qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala.
Kulanka ayaa waxaa dhanka kale la iskula soo qaadi doonaa sidii loo kordhin lahaa Ciidamada Midowga Afrika ka jooga dalka Soomaaliya oo haatan ah 6100 Askari islamarkaana loo gaarsiin lahaa ilaa 8100 Askari sidii ay horay u balanqaadeen Wadamada ku jira Ururka Midowga Afrika, iyadoo dhanka kale uu Urur Goboleedka IGAD wado Olole ku aadan sidii talaabo dhab ah looga qaadi lahaa Kooxaha Argagixisada ah ee ku sugan dalka Soomaaliya, islamarkaana Ciidamo dheeraad ah oo deg deg ah loogu diri lahaa dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Muzavini ayaa daddaal ugu jira sidii uu uga dhaadhicin lahaa Madaxda dalalka Afrika ee uu Shirka uga furmi doono magaalada Kambala in la badalo Hanaanka ay ku howlgalaan Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya oo ah Nabad Ilaaliyayaal isagoo u olalaynaya in loo badalo Nabad Dhaliyayaal si ay meesha uga saaraan Kooxaha Argagixisada ah ee ku sugan wadanka Soomaaliya.