Dimishiq, (TFG): Dowladda Siiriya ayaa sheegtay in ay haatan iyo wixii ka danbeeyaba ka qeybqaadan doonto arrimaha dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya iyadoo intaasi ku dartay in xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ay ka difaaci doonto waxyaabaha aan danta u ahayn Shacbiga Soomaaliyeed.
Safiirka Dowladda Siiriya u fadhiya magaalaa Qaahira islamarkaana ah Xoghayaha Joogtada ah ee Ururka Jaamacada Carabta Ambassador Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Dowladda Siiriya ay gacan ka gaysanayso in dalka Soomaaliya laga difaaco faragelin Shisheeye oo aan danaha Soomaaliya u adeegayn.
Ambassador Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday in dhibaataooyinka dhacay dalka Soomaaliya ay qeyb ka tahay Shirqoolo lala doonayo wadamada Jaamacada Carabta, wuxuuna sheegay in wadada kaliya ee Nabad loogu raadin karo Soomaaliya ay tahay dib u heshiisiin Qaran.
Safiirka Dowladda Siiriya u fadhiya dalka Masar ahna Xoghayaha Joogtadda ah ee Jaamacada Carabta Ambassador Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ka soo horjeedo arrintaas, wuxuuna sheegay in Mowqifka Jaamcadda Carabta ee ku aadan in Kooxo Argagixiso ah ay la wareegaan wadanka Soomaaliya ay tahay mid iska cad oo aysan wadamada ku jira Ururka Jaamacada Carabtu marnaba aqbalayn arrintaas, wuxuuna wadamada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta ugu baaqay in ay dardargeliyaan wada shaqayntooda ku aadan sidii loogu guulaysan lahaa dhibaatooyinka ka jira wadanka Soomaaliya.
Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho