Washington, (TFG): Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa sheegashada ay Kooxda Shabaab sheegatay Qaraxyaddii ka dhacay magaalada Kambala ku tilmaamay mid so dedejin karta taageerada Beesha Caalamku u fidiso Soomaaliya ama kacdoon ay dadka Soomaaliyeed ay meesha kaga saaraan Maleeshiyada Shabaab.
Sheekh Xasan Jaamici oo ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Mareykanka islamarkaasna la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Qaraxyadii ay Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ka fuliyeen Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ay soo dadajineyso in Beesha caalamka ay si dhab ah ugu soo jeesato wax ka qabashada Xaalladda Amni darri ee ka jirta Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Kooxda Shabab ay ku guuldarreeysatay in ay Nabadeyso Meelaha ay kaga sugantahay dalka Soomaaliya.
Sh. Xasan Jaamici ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in Xilligan la joogo Wakhtigii ay dadweynaha Soomaaliyeed sameyn lahaayeen Kacdoonno ka dhan ah Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab si looga sifeeyo guud ahaan wadanka Soomaaliya.
Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho