Nairobi, (TFG): Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay dadaal xoogan u gashay siidaynta dad Soomaaliyeed oo dhawaan Booliska dalka Kenya ay ku xirxireen magaalada Nairobi iyadoo dhanka kalana Safaaraddu sheegtay in Warqad dacwad ah ay u qortay Wasaarada arrimaha dibada dalka Kenya.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameeriko oo u waramaayay warbaahinta dowadda ayaa sheegay in ay dadaal dheeri ah ay ku bixiyeen dadkii Soomaalida ahaa ee ay dhawaan xirxireen Ciidamada Amaanka dalkaasi Kenya, wuxuuna sheegay in ay xabsiyada ka soo saareen ilaa iyo hada dad gaaraya 42 Ruux oo Soomaali ah, kuwaasoo ka mid ahaa Soomaalidii ay Booliska Kenya ay xirxireen.
Ambassador Maxamed Cali Ameeriko ayaa sidoo kale sheegay in Wasaarada arrimaha dibada dalkaasi Kenya ay u gudbiyeen Warqad ashtako ah oo ku aadan sababta keentay in la bartilmaamaysto dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi Kenya iyadoona la ogayn in ay haystaan sharciga dalkaasi iyo in kale, wuxuuna sheegay in dadka la xirxiray in ay isugu jiraan dad haysta sharciga dalkaasi in ay haysan intaba iyo sidoo kale kuwo Guriga ku soo iloobay, islamarkaana ay Safaaraddu ku dadaalayso in ay soo dayso dhamaaan kuwa haysto sharciga dalkaasi, isagoo sheegay in kuwa sharciga haystana ay ku dadaali doonaan sidii ay ku sii dayn lahaayeen iyagoo kala hadli doona Hay’adda Qaxootiga UNHCR si ay uga mid noqdaan qaxootiga ay maamusho Hay’addaasi.
Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho