Choose Your Language: Somali  |   English
   Search:  
Press Releases  |  Contact Us  

The Transitional Federal Government (TFG) of the Republic of Somalia is the current internationally recognized government of Somalia.

 

Read More

> Home
> President
> Prime Minister
> Parliament
> Audio & Videos
> Latest News
> Useful Links
> Press Releases
> Ask the Government
> Contact Us


Transitional Federal Charter of the Republic of Somali
1960 Charter



Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin

Ministries

Ministry of Interior

 

 

 Sh. Abddulkadir Ali Omar, Minister of Interior.

   

Warbixin safaraddii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 
Wasiirka Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha C/rashiid Max'ed Xidig ayaa safaro ay kala hogaaminayaan ayay ku kala tageen dalalka Jabuuti, Kenya iyo Singbur.
 

 

Safarkii Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu ku wehliyay duqa magaalada Muqdisho, waxa uu ahaa mid ay wasaaraddu guul weyn kaga soo hoysay laguna soo xalliyay arrimo badan oo ku saabsanaa dib u dhiska iyo tayeynta maamulka wasaaradda Arrimaha Gudaha baahideeda iyo kan maamulka gobolka Banaadir sidoo kalena lagu soo xalliyey arrimo la xiriira mushaarka iyo tababarrada ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

“Ujeedada ugu weyn ee safarkayagu waxa uu ahaa sidii aan ula kulmi lahayn hay'adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah. Safarkayagu waxa uu la xiriirey barnaamij ay wasaaraddda Arrimaha gudaha diyaarisay oo ku saabsanaa taabagelinta qaab-dhismeedka maamulka wasaaradda iyo dhamaystirka hawlgelinta wasaaradda iyadoo la kaashanaysa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Barnaamijyada Adduunka ee UNDP. 

Xubnihii wafdigaygu waxay wadatashiyo muddo todobaad ah socdey la yeesheen shan hay'adood oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo ay ku jirto UNDP, waxaana wadatashiyadaas saldhig u ahaa dhamaystirka iyo dib u hawlgelinta haykalkii maamul iyo shaqo ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qaabaynteedaba iyo dhismaha iyo tayeynta maamulka gobolka Banaadir. Waxaa kale oo wadatashiyadii hay'adaha Qaramada Midoobay looga dooday sidii hay'aduhu magaalada Muqdisho uga fulin lahaayeen mashaariic nolosha dadka saameyn ku yeelan karta adeegga bulshadana kaabaysa oo ay dadku shaqooyin ka heli karaan. Waxaa kale oo shirarkaas looga hadlay arrimaha boliiska gaar ahaan mushaaraadooda, tababarradooda iyo sidii loo hagaajin lahaa wada shaqeynta hay'adaha Qaramada Midoobay iyo kan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasaaraddu waxay hay'adaha Qaramada Midoobay iyo wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha ah uga warbixisey si faahfaahsan xaaladda siyaasadeed iyo tan nabadgelyo ee dalka waxaana ay sidoo kale sharaxday siyaasadda dawladda ee ku wajahan sidii amniga dalka loo soo celin lahaa, siyaasadeeda, dib u heshiisiinta iyo caqabadaha hortaagan waxqabadka dawladda iyo kaalmada ay u baahan tahay intaba.

Wasaaraddu waxay hor dhigtey hay'adaha Qarmada Midoobay iyo wakiilada beesha caalamkaba inay u baahan tahay waxqabad dhab ah oo la tilmaami karo lana taaban karo loo fidiyo dadka Soomaaliyeed isla markaana taageero muuqata la siiyo dawladda si ay ugu guulaysato dadaalkeeda inay dalka xasilooni ugu soo celiso. Waxaana u tilmaamay in mashaakilaadka amni darro iyo dagaaallada joogtada ah ee Koonfurta Soomaaliya ka jira ay salka ku hayaan dhibaatooyin dhaqaale iyo faqri daba-dheeraadey oo dadka haysta oo keeney dib u dhacsanaan ku habsatay bulshada taasi oo keentay in dhallinyaro badan ay dagaalka meherad ka dhigtaan. Si taas looga gudbo waxa ay wasaaraddu soo jeedisey in loo baahan yahay in la abuuro mashaariic dhallinyarada lagu jihaynayo si ay uga maarmaan dagaalka ay meherrada ka dhigteen sidoo kalena la hirgeliyo mashaariic nolosha dadka wax ka bedelaya oo ay shaqo ka heli karaan.

Waxaa aan hay'adaha Qaramada Midoobay iyo beesha caalamkaba ku adkaynay in loo baahan yahay waxqabad muuqda, waqtiyeysan lana taaban karo, waxaana u sheegnay inaynaan u iman inaan la laabanno ballanqaadyo balse aan doonayno inaan dalka kula laabanno qorshe waxqabad oo ay ku caddahay waxa la qabanayo iyo goorta la qabanayo, cidda qabanaysa iyo sida loo qabanayo intaba, anaka oo weliba si gaar ah u codsannay hirgelinta barnaamijyo deg-deg ah oo dadka wax loogu qabanayo oo gobolka Banaadir laga hirgeliyo.

Ugu dambayntii dood dheer ka dib iyo wadatashiyo xiriir ah waxaa ay wasaaraddu ku guulaysatay inay heshiis rasmi ah la gasho balse aan weli la saxiixin UNDP  kaasi oo ay ku caddahay qodobo tilmaamaya waxyaabihii lagu heshiiyey in la qabto waxaana ka mid ah qodobaddii heshiiska:

  1. In qiimayn lagu soo sameeyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha baahideeda iyo awooddeeda hay'ad ahaan inta ay gaarsiisan tahay inay gudan karto fulinta adeegyadii ay u xilsaarnay.

  2. Qiimayn lagu soo sameeyo awoodda maamul iyo baahida xarunta maamulka gobolka Banaadir iyo maamullada degmooyinka gobolka Banaadir ee haatan jira.

  3. In la diyaariyo mabaad’ida aasaaska u ah dib u heshiisiinta iyo hadafkoodaba ee loo marayo dhismaha maamulada gobollada iyo degmooyinka.

  4. Kormeerka mashaariicda deg-dega saamaynta u abuuri kara ee laga hirgelinayo gobolka Banaadir iyo gobollada kale iyadoo wasaaraddu ay kaalkmo ka heleyso mashruuca JPLG.

  5. Dib ugu laabashada iyo dhamaystirka dastuurkii lagu dhaqi lahaa caasimada Muqdisho.

  6. In Wasaaraddu qorato shaqaale khibrad iyo aqoon maamul leh loona tababaro xubin shaqaale si wasaaraddu awood ugu yeelan karto xisaab-celinta maamulka lacageed kana soo warbixin karto

Horraanta bisha November ayaa wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay'adda UNDP ay rasmi ahaan u wada saxiixan doonaan heshiiskaas iyadoo sidoo kalena la soo dhamaystiri doono mashaariic iyo qorshe-hawleedkii 2010-ka laga hirgelin lahaa gobolka Banaadir iyo gobollo kale. 

XAFIISKA WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA 


Other Ministries
  1. Ministry for Reconciliation and Pacification
  2. Ministry of Disarmament, Demobilization and Reintegration of Militia.
  3. Minster of Treasury
  4. Ministry of Enviroment
  5. Ministry of Air and Land Transport
  6. Ministry of Industry
  7. Ministry of Commerce
  8. Ministry of Posta and Telecommunication
  9. Ministry of Reconstruction
  10. Ministry of Mineral and Water Resources
  11. Ministry of Higher Education and Culture
  12. Ministry of National Assets & Procurement
  13. Ministry of Agriculture
  14. Ministry of Justice
  15. Ministry of Livestock
  16. Ministry of Planing and International Cooperation
  17. Ministry of Education
  18. Ministry of Diaspora
  19. Ministry of National Security
  20. Ministry of Defence
  21. Ministry of Energy and Petroleum
  22. Ministry of Youth & Sports
  23. Ministry of Public Works and Housing
  24. Ministry of Finance
  25. Ministry of Women Development & Family Care
  26. Ministry of Rural Development
  27. Ministry of Information
  28. Ministry of Health
  29. Ministry of Fisheries and Marine Resources
  30. Ministry of the Constitutional & Federal Affairs
  31. Ministry of the Ports & Marine Transport
  32. Ministry of Tourism and Wild life
  33. Ministry of Labour and Human Resource Development
  34. Ministry of Foreign Affairs
  35. Ministry of Research & Technology
  36. Ministry of Rehabilitation
  37. Ministry of Humanitarian Affairs
  38. Ministry of religious Affairs
Home  |  President  |  Prime Minister  |  Parliament  |  Videos  |  News & Events
Useful Links  |  Press Releases  |  Feedback  |  Contact Us  |  Staff Portal  Administrator

©Copyright 2009.All Rights Reserved