Choose Your Language: Somali  |   English
   Search:  
Press Releases  |  Contact Us  

The Transitional Federal Government (TFG) of the Republic of Somalia is the current internationally recognized government of Somalia.

 

Read More

> Home
> President
> Prime Minister
> Parliament
> Audio & Videos
> Latest News
> Useful Links
> Press Releases
> Ask the Government
> Contact Us


Transitional Federal Charter of the Republic of Somali
1960 Charter



Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Wargelin

Ministries

Ministry of Information

Dahir Mohamoud Gelle, Minister of Information

 

Warbixinta waxqabadka Wasaaradda Warfaafinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya

Wasaarada waxaa Sanadkii tagay  u suuro galay in ay qabato howlo badan oo ay ka mid ahaayeen dib u howlgelinta Radio Muqdisho, Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Keydka Cajaladaha   Radio Muqdisho.

 

 

  Waxaana si rasmi ah hawada loo geliyay idaacada radio muqdisho 23kii bishii oktoobar oo ay dadku fursad u heleen in ay mar kale dib u dhageystaan  FMradio tayo fiican, kaasoo hawada ku jira 18 saac oo xiriir ah, waxaa noo sii raacay tii Wesiteka Dowladda oo isagana ah hanaan cusub oo ku soo kordhay warbaahinta aduunka sanooyinkii ugu danbeeyay oo isagu xariga laga jaray 08 August 2009 iyo web-ka Radio Muqdisho oo isna xariga laga jarey 28-dii bishii nofeembar meel fiican ayay gaareen, wayna hanaan quruxsan yahay labadaasi web, dadka Soomaliyeedna kalsoonidooda ayay siiyeen.

Raadiyaha dowladda waxaan ku soo kordhinay Aalada loo yaqaano Satarlayka in laga dhageysto Radio Muqdisho, oo aan weliba heshiisyo la galno shirkadaha ka shaqeeya Satarlayt-ka tii ugu tayo wanaagsanayd si dadka dibada jooga ay u helaan aalad Satarlayt oo aan daciif aheyn oo ay si toos ah ugala socon karaan Wararka, Barnaamijyada, Wacdiyada kala duwan, Sheekooyinka xiisaha leh, Ciyaaraha, Maaweelada iyo weliba inay ka heli karaan xaalada dhabta ah ee ka jirta dalka, ayagoon isku mashquulin in ay teleefoon kula socdaan ama aalado kale, waxayna heli karaan maalin walba dhacdada ka dhacda Soomaaliya ee dhabta ah, dadka Yurub qeybo ka mid ah joogo iyo dadka Aasiya jooga iyo dadka Afrika ku nool iyo dadka dalka gudihiisa ku nool meelaha magaalada Muqdisho ka baxsan iyo nawaaxigeeda inaan ku gaarsiino habka Satarlaytka oo diishka laga dhageysan karo, Wasaarada howlahaasoo dhan wey u  hirgaleen dhanka Raadiyaha.

Dhanka kale taabogelinta iyo isku dubaridka shaqaalihii Wasaaradu laheyd ayaa suuro galay, Raadiyaha kaliya waxaa ka shaqeeya in ka badan boqol shaqaale ah oo Rag iyo Dumar isugu jira, sidoo kale waxaa wax laga qabtay qeybta Keydka oo dhibaatooyin fara badan uu haystay oo ay ugu horeyso xaga hanaanka loo xanaaneeyo Cajaladaha oo jawigoo iska kulul awgiis ay cajaladaha qaarkood dhibaato soo gaartay laakiin hadda xiligaan laga gudbay dhibaatadaasi oo cajaladaha waxaa lagu hayaa jawi wanaagsan oo qabow oo aan dhibaato kale ku gaareyn haba yaraatee, waxaa intaasi dhinac socday dhankii dabka ama  korontada oo Wasaaradu arrintaasi dhibaato ku haysay waxaan isku daynay inaan dab ama koronto joogta ah sameyno, inaan qalabka dayactirno oo wixii isku dubaridno.

Xiriirka dibada, iyadana waa hagaajinay, waxaa kaloo inoo suuro galay in aan Bulshada Soomaaliyeed u suuro gelino qaab kasta oo ay Barnaamijyo ay ku taxmi karaan aan sii dayno, taasoo ay dadka dhageysan karaan taasina waan ku guulaysanay, laakiin qorshaha ugu weyn waxaan damacsanahay 2010-ka, kaasoo gaari doona Telefishin haduu Ilaah yiraahdo (Subxaanahu Watacaalaa), kadibna Joornaal in lasoo-saaro oo Madbacada Qaranka dib loo howlgeliyo, Raadiyaha in mowjadda dhexe (SW) lagu daro oo si ay u suuro gasho Miyiga in laga dhageysto, xiriirana lala sameeyo Warbaahinta caalamka, tababaro macno leh, loo sameeyo shaqaalaha iyo Howlwadeenada iyo Xirfadlayaasha Raadiyaha, sidoo kale Televionka aan soo wadno hirgelino mudo dhow. 

Mudane, Daahir Maxamuud Geelle

 

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta


Other Ministries
  1. Ministry for Reconciliation and Pacification
  2. Ministry of Disarmament, Demobilization and Reintegration of Militia.
  3. Minster of Treasury
  4. Ministry of Enviroment
  5. Ministry of Air and Land Transport
  6. Ministry of Industry
  7. Ministry of Commerce
  8. Ministry of Posta and Telecommunication
  9. Ministry of Reconstruction
  10. Ministry of Mineral and Water Resources
  11. Ministry of Higher Education and Culture
  12. Ministry of National Assets & Procurement
  13. Ministry of Agriculture
  14. Ministry of Justice
  15. Ministry of Livestock
  16. Ministry of Planing and International Cooperation
  17. Ministry of Education
  18. Ministry of Diaspora
  19. Ministry of National Security
  20. Ministry of Interior
  21. Ministry of Defence
  22. Ministry of Energy and Petroleum
  23. Ministry of Youth & Sports
  24. Ministry of Public Works and Housing
  25. Ministry of Finance
  26. Ministry of Women Development & Family Care
  27. Ministry of Rural Development
  28. Ministry of Health
  29. Ministry of Fisheries and Marine Resources
  30. Ministry of the Constitutional & Federal Affairs
  31. Ministry of the Ports & Marine Transport
  32. Ministry of Tourism and Wild life
  33. Ministry of Labour and Human Resource Development
  34. Ministry of Foreign Affairs
  35. Ministry of Research & Technology
  36. Ministry of Rehabilitation
  37. Ministry of Humanitarian Affairs
  38. Ministry of religious Affairs
Home  |  President  |  Prime Minister  |  Parliament  |  Videos  |  News & Events
Useful Links  |  Press Releases  |  Feedback  |  Contact Us  |  Staff Portal  Administrator

©Copyright 2009.All Rights Reserved